SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

19-MALEESHIYO OO XIZBULLAHI AH OO LA DILAY.

(SAWIRKA)-DIYAARADO WEERARAY XUDUUDA CIRAAQ IYO SURIYA.

(SYRIA)-Wararka ka imaanayo dalka Suriya ayaa sheegaayo in halkaasi ey ka dheceen seddex weerar oo dhinaca cirka ah habeenimadii sabtida,weerarada ayaa ka dhacay meel u dhaw xuduuda ey wadaagaan dalalka Suriya iyo Ciraaq ee istaraatiijiga ah waxaane weerarkaan ku dhintay dagaalyahano gaarayo 19-dagaalyahan kana tirsan maleeshiyaadka ey taageerto Iraan sidaas waxaa Wakaaladda Wararka Associated Press u sheegay qaar ka mida dagaalyahanada. Weerarka ayaa lala beegsaday magaaladda AL-Bukamal ka dib markii uu dhacay weerar kale ey qaadeen kooxda la magaca baxday Xoogaga Iska caabinta Islaamka ee Ciraaq,weerarka ayaa waxaa lagu qaaday saldhig ey iska leeyihiin ciidamada Maraykanka ee ku sugan dalka Ciraaq gaara ahaan weerarka ayaa lala beegsaday garoonka diyaaradaha Erbiil ee dhaca Waqooyiga dalka Ciraaq. Kooxdaan ayaa kordhisay weerarada ey ku hayso ciidamadda Maraykanka ee joogo Ciraaq tan iyo markii uu bilawday dagaalka Marinka Gaza 7/10/23-ka. Qaar ka mida dadka la dilay ayaa ka tirsanaay Ururka Xizbullah ee dalka Libnaan halka dagaalyahanada kale ey ahaayeen kuwa u dhashay dalka Suriya

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.