SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

1,875-BARE OO AJAANIB AH OO LAGA ERYI DOONO…

DALKA KUWEYT.

(KUWAIT)-Inta badan dalalka la isku yiraahdo Khaliijka waxaa ka xoogsado Barayaal ka kala yimid caalamka Carabta haba ugu sii badnaadaane kuwa ka yimid dalka Masar,Barayaashaan oo wax ka dhigo Jaamicadaha,dugsiyada sare iyo kuwa hoose/dhexe ayaa u kala baxa laba qeyb, qeyb la heshiisay Wasaarada Waxbarashada iyo kuwa ku yimaado heshiis dhexmaray dawladaha,hadaba ugu yaraan 1,875-bare oo ajaanib ah kana shaqeeyo Wasaaradda Waxbarashada dalka Kuweyt ayaa shaqada laga ceyrin doonaa marka uu dhammaado sannad dugsiyeedka 2022/2023-ka,arrintaa ayaa qeyb ka ah sidii loo shaqaaleyn lahaay dad reer Kuweyt ah sidaas waxaa sheegtay warbaahinta dalka Kuweyt oo soo xiganaysay Wasaaradda Waxbarashada Dalka Kuweyt. Marka loo fiiriyo qorshaha Wasaaradda Waxbarashada Kuweyt, arrinka ku saabsan barayaasha ajaanibta ah ayaa lagu kala saari doonaa Takhasuska waxaane la dhimi doonaa 25% waxaane bedelkooda la qaadan doonaa barayaal reer Kuweyt ah,laakinse qorshaha shaqaaleynta Kuweytiyinta ayaa la gaarsiin doonaa 100%.

ISHA WARKA GULF NEWS.

HALKAAN KA SII AKHRI.