1,500-CARUUR AH AYAA KU DHIMATAY GAZA.
(SAWIRKA)-DADKA REER FALASTIIN EE LAGU LAAYEY WEERARADA CIRKA EE ISRA’IIL.
(GAZA)-Dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo ciidamadda Isra’iil ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu galay maalintiisii laba iyo tobanaad,dagaalkan ayaa la soo sheegayaa iney ilaa hadda ku dhinteen caruur gaareysi ilaa kun iyo shan boqol(1500),tirada guud ee dhimashada tan iyo markii uu bilawday dagaalka(7/10/23)-ka ayaa gaareyso 3785-qofood tiradaan ayaa kun ka mid ah waxa ey yihiin dumar. Weerarada Isra’iil ee dhinaca cirka ah ayaa hadda ku fiday dhul eysan horay u gaarin sida Rafah iyo Xerada Qaxootiga reer Falastiin ee Khaan Yoonis. Maanta ayaa la filaa in Gaza ey gaarto kaalmo bani’aadanimo tii ugu horeysay ka dib markii ey arrintaas ka wada hadleen Madaxweynayaasha Maraykanka Joe Biden iyo Madaxweynaha Masar C/fataax AL-Sisi.
ISHA/ARAB.