15-KUN TAHRIIBE OO GALAY DALKA YEMAN BISHII…
(SAWIRKA)TAHRIIBAYAAL SOOMAALI AH.
(YEMAN)-Hayadda Socdaalka Adduunka ee Qaramada Midoobe(IOM) ayaa sheegtay in 15-kun oo Tahriibayaal ah ey galeen dalka Yeman Bisha Janaay-2025, waxaane dalka Yeman dib ugu soo laabtay 4-ku oo Yamaniyiin ah, waxaane dalka Yeman isaga tegay oo ka haajiray 2-kun oo Yemaniyiin isla Bishii janaayo-2025-ka. Hay’addu waxay ku dartay Warbixinteeda billaha ah in “Qodobka Daba-galka Barakaca ee Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka ee Yemen ey diiwaangelisay gelitaanka 15,400 oo Muhaajiriin ah ee soo galay Yeman bishii Jannaayo ee la soo dhaafay, taasoo hoos u dhac weyn ku yimid labaatan iyo shan boqolkiiba(25%) marka loo eego bishii hore, markaasoo tirada Muhaajiriinta gashay Yemen ey gaartay 20,435.” Hay’addu waxay xaqiijisay in 13,642 Tahriibayaal ah ey Yeman soo gaareen iyagoo ka soo Ambabaxay Xeebaha dalka Jabuuti, kuna sii jeeday Degmadda Dubaab ee Gobalka Tics, halka inta soo hartayna ey ka yimaadeen Soomayalia kuwasoo gaaray Gobalka Shabwa, waxayna Hay’addu ku micneysay in tirada Tahriibayaasha soo galay Yemn tan iyo bishii Janaayo ee sannadkii hore ey gaarayaan 76,297 Tahriibayaal ah. Warbixinta Hayadda Socdaalka Caalamiga ah(IOM) ayaa sheegtay in tirada Barakacaaysha gudaha ee soo laabtay ey dhan yihiin "4,306 Yemaniyiin ah bishi la soo dhaafay ee Janaayo 2025, taas oo ka dhigan hoos u dhac boqolkiiba 13% ah marka loo eego tirada soo noqotay bishii Disembar 2024 ee gaareysa 4,954 qof." Warbixintu waxa ey sheegtay in kooxda kormeerku ey diiwaan galiyeen 70 qof oo tahriibayaal ah oo laga soo tarxiilay dalka Cumaan lana geeyay goob ey ku aasan yihiin agaasinka Yemen, si iskood ah ama doonayo looga soo celiyay Yemen, iyo guud ahaan 2,105-Qofood oo tahriibayaal ah oo Yemen ka tagay si iskood ah ama doonyo kaga soo laabtay Yemen. Warbixintu waxa ey tilmaantay in kooxda Hay’adda ee ku sugan Jabuuti ey diiwaan geliyeen 1,759-Qofood oo tahriibayaal ah oo ka yimid dalka Yemen. Waxaa xusid mudan in dalka Yeman ey si joogto ah u qaabilaan kumannaan qof oo tahriibayaal ah, gaar ahaan dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya, kuwaasoo intooda badan doonaya iney Yemen uga sii gudbaan dalalka Khaliijka, gaar ahaan dalka Boqortooyadda Sucuudiga, si ey u Horumariyaan Xaaladooda Nololeed.
ISHA-MASDARONLINE/YEMAN.