ISKA HOR IMAAD U DHEXEEYA LABA GOBOL EEY KU DHINTEEN 27-QOFOOD.
Iska hor imaad ayaa waxa uu ka dhex dhacay laba gobol oo ka tirsan dawladda federaalka itoobiya,sababta iska hor imaadkaan ayaa lagu sheegay ineey mid ka dhalatay dhul ku ku yaalo xuduudka u dhexeeyo labada gobol,iska hor imaadkaan ayaa waxa aku dhintay dad gaaraayo 27-qofood sida eey sheegtay dawladda federaalka itoobiya,waxa uuna dalka itoobiya wajahayaa rabshado salka ku haayo kala duwanaashaha qowmiyadaha wada dega dalkaas itoobiya. Iska hor imaadkaan u dambeeyey eeyna ku dhinteen 27-da qofood ayaa waxa uu ka dhacay xuduudka u dhexeeyo qoomiyadda soomalida iyo tan Cafarta. Cali Bedel oo ah afhayeenka gobolka soomaalida ee dalka itoobiya ayaa sheegay in dilka 27-ka qofood yahay mid jira waxa uuna ku eedeeyey ineey ka dambeeyaan maleeshiyaat ka soo jeeda qowmiyadda Cafarta. XIGASHO REUTERS.