SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

YOU-TUBER ASAD XAJIYAW OO LA GUDOONSIYEY BILAD.

(SAWIRKA)-MW-XASAN IYO YOUTUBER ASADAXAJIYAW.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Madaxweynaha JFS Md.Dr. Xasan Sheekh Maxmud uu kulan soo dhaweyn ah ugu fidiyey Xarunta Madaxtooyadda Qaranka Hal-abuure Asad Xaajiyaw oo ah wiil dhallinyara ah isla markaasne ah YouTuber ku dhiiraday inuu qaato go’aan geesinimo leh uu ku wajahay dhibaatada ey Argagixisada Alshabaab u geysatay. Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh ayaa u sheegay Asad Xaajiyaw inuu tusaal u yahay mawaadiniinta Soomaaliyeed ee adkeysiga iyo geesinimada kaga gudubtay dhibaatada iyo waxyeeladda ey Argagixsada Alshabaab ugu geysteen gudaha dalka Soomaaliyeed. “Asad Xaajiyaw kuma niyad jebin weerarkii arxan darrida ahaa ey Argagixisada AL-shabaab ey dhawr iyo toban sano ka hor isku dayeen iney ku dilaan,weerarkaso keenay in Asad Xaajiyaw uu Naafoobo. In kastoo Asad uu la kulmay dhawac halis ah oo naafo ka dhigay hadane maanta waxa uu dalkiisa ku soo laabtay isagoo xambaarsan himilo iyo hiigsi ku aadan horumarka dalkiisa iyo dadkiisa”.Munaaasabadda ka dib Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda JFS Md.C/xakiim Maxamed Yusuf ayaa Asad Xaajiyaw gudoonsiiyey Billadda Adkeysiga Soomaaliyeed,taaso ah abaalmarin la siinaayo mawaadiinta muujiya geesinimo,dulqaad iyo adeeg bulsho oo qiimo leh. YouTuber Asad Xaajiyaw ayaa qeybta dambe ee jirkiisa kaga naafoobay weerar ey kooxda AL-shabaab ku soo qaaday goob uu ku sugnaa iyagoo doonaayey iney dilaan Asad,balse ma eysan dhicin oo Asad waa uu ku dhaawacmay waxaane daawo loogu qaaday dalka Maleesiya si loogu soo daweeyo,alle amarkiis ma suurtagelin in wax laga qabto dhibka soo gaaray Asad Xaajiyaw, waxa uuna iska diiwaan geliyey Hayadda Qaxootiga Caalamiga ah ee hoos tagta Qaramada Midoobe ee UNHCR,balse hayadda ayaa sida la sheegay Asad Xaajiyaw u sheegtay ineysan dal kale geyn karin si uu halkaasi noloshiisa uga sii amba qaado,Haydda ayaa diidmadeed u sababeysay in YouTuber Asad Xaajiyaw yahay nin sameeyo dhaqaale aad u fara badan sidaas darteedna aan lagu dabaqi karin sharciga Qaxootiga ee dalka seddexaad lagu dejiyo.

ISHA-VILLA SOMALIA