DAGAAL DANLEY WADATO.
Hayadda maareynta musiibooyinka ee soomaaliaya ayaa la aasaasay sannadkii 2011-kii,ka dib markii ay dad badan oo gobolladooda uga soo barakacay abaaro eey soo buuxiyeen magaaladda Muqdisho. Hayaddaan ayaa waxaa gudoomiye u ahaay C/laahi Maxamed Shirwac waxa uuna Shirwac gudoomiyanimadda iska casilay 28/4/20112-kii waxaane xilkiisa la wareegay Sheekh Cali C/raxmaan oo ka tirsan hayadda,dawladdii ku meel gaarka ahayd ee jirtay waqtigaas kama aysan hadlin iscasilaada Gudoomiye Shirwac waxaane la sheegay in gudoomiye Shirwac horey ugu gudbiyey iscasilaadiisa madaxweynihii waqtigaas(Sheekh Shariif) iyo R/waasre(C/weli Gaas) balse waxaa jiray warar hoose oo sheegaayo in iscasilaada gudoomiye Shirwac eey sabab u ahayd in Madaxweynaha sameeyey hayaddo kale kuwaasoo ka shaqeyn doono sidii gargaarka loo gaarsiin lahaay dadka u baahan. Hayadda Maareynta Musiibooyinka ayaa noqotay mid si rasmi ah eey u aqoonsatay dawladdii uu madaxweynaha ka ahaay Prof.Xasan Sheekh Maxamuud sannadkii 2016-kii.
Febraayo/2017-kii markii la doortay madaxweyne Farmaajo ayuu isagane magacaabay R/Wasaare Xasan Cali Khayre waxa uuna R/waasre Khayre bilaabay inuu soo xulo golihiisa wasiiradda waxa uuna golihiisii wasiiradda ee ugu horeeyey kana koobnaay lix iyo labaatan ku dhawaaqay 21/3/2017-kii,golahaas ayaa waxaa ka soo dhex muuqtay Dr.Maryam Qaasim Axmed oo loo magacaabay wasiradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka qaranka,Dr.Maryam ayaa wasaaradda haysay muddo dhan sideed bilood waxa eeyna iscasilaadeeda u gudbisay R/wasaare khayre taariikhdu markeey ahayd 15/11/2017-kii,sababta eey wasiirad Dr.Maryam isu cashisay ayey ku sheegtay in wasaaradda eey ka jirto isbarbar yaac sidaas darteedna eeysan ka sii shaqeyn karin. Sheekh ka mida culimadda soomaaliyeed kuna sugan dalka Kenya lana yiraahdo Sheekh Umal ayaa waxaa su'aal weydiiyey dad dhegaysta muxaadarooyinkiisa su'aasha ayaa ahayd " wasiiradda maad booska ka ceyrsateen?" Sheekha ayaa ku jawaabay" Haddii eey Maryam Qaasim isku casishay culimadda ka dhex muuqashadooda samafalka in la eryo ayey ahayd". Dr.Maryam oo maqashay hadalkii uu yiri sheekh Umal ayaa Twitter-keeda ugu soo jawaabtay sheekh Umal kuna tiri" Haka hadlin waxaad aqoon iyo cilmi aad u lahayn" Suuratul Isra'a.
14/10/2017-kii waxaa dhacay qaraxii Zoobe oo eey ku geeriyoodeen kuna dhaawacmeen dadkii ugu tiradda badnaa abid wixii qarax ka dhacay soomaaliya,dhacdadas ayaa xafiiska R/wasaare khayre waxa uu magacaabay gudi uu hogaaminaayo masuul ka tirsanaa xafiiskiisa lana yiraahdo Yaxye Cali Ibraahim iyo sheekh Nuur Baaruud halkaasne waxaa ka cadaatay in wasraadda eey iska casishay Dr.Maryam shaqadeedii lagu sameeyey faragelin lanana wareegay waxay iyadu qaban lahayd. 25/7/2020-ka,Waxaa shaqadii laga eryay R/wasaare Khayre waxaane hawshii xafiika R/wasaaraha la wareegay si ku meel gaar ah R/wasaare ku xigeenka Mahad Guleed,waxaane dhacday in Mahad soo saaray awarqad ku summadaysan OPM/0.357 ,taariikhdeedana eey tahay 19/9/2020-ka warqadda ayaa waxaa loo diray dhammaan wadamadda deeq bixiyeyaasha iyo hawl wadaaga la ah dawladda federaalka soomaaliyeed xafiiska raysal wasraaha ayaa si toosa u maamulaayo una jihaynayo hawlaha xarunta qaranka ee ka digista halis wadareedka(National Emergency Operation Centre-NEOC),warar aan la xaqiijin ayaa sheegaayo in wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka xildhibaan Xamza uu saxiixay warqadda hawsha wasaaradiisa looga maamuli doono xafiiska R/wasaaraha.
Maanta oo ah Sabti kuna beegan 3/10/2020-ka ayaa waxaa magaaladda Muqdisho shir jaraa'id ku qabtay Garyaqaan C/laahi Maxamed Jimcaale,garyaqaanka ayaa ka hadlay arrin ku saabsan dhisidda golaha wasiiradda cusub ee uu soo dhisi doono R/Wasaare Rooble waxa uuna garyaqaanku kula taliyey R/Wasaare Rooble inuusan golihiisa ku soo derin wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka qaranka,waxa uuna Garyaqaan C/laahi ku tilmaamay wasaaraddaas iney tahay mid sharci darra ah balse uu dhisay R/wasaare Khayre,Garyaqaanka ayaa sheegay in hayadda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ku dhisan tahay sharci soona martay golihii wasiradda ee xukuumaddi Madaxweyne Xasan Sheekh,golaha shacabkana eey ansixiyeen,madaxweynaha uu saxiixay sannadkii 2016-kii,waxaa is weydiin ah golaha wasiiradda ee uu dhisay R/Wasaare Khayre ayagu ma marin miyaa jidkii saxda ahaay magacaabistooda ka dib? Taas jawaabteeda Garyaqaanka ayaan ka sugaynaa. Garyaqaan C/laahi xagee ayuu ku maqnaay seddexdii sano iyo barkii eey jirtay wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka qaranka eey dalka ka hawlgelaysay?
Arrintaan la xiriirta cidda maamulayso deeqaha loo soo diro dadka soomaaliyeed ee dhibaataysan ayaa ah mid u muuqata in loo tartamaayo sidii loo boobi lahaay kaalmadda loo soo diro dadkaas dhibaataysan waayo intaas masuul ee aan soo xusay uma doodayaan umana taagna danta shacabka dhibaataysan ee meesha waxaa ka jirto dhaqaale urursi ba'an oo ayaga isku diray,gabagabadii waxaan dhihi lahaay Garyaqaan C/laahi wax waa la raadiyaa laakinse sidaan wax loo ma raadiyo ee alle iimaanka ha idin wada geliyo.
Fadlan click-gareey link-ga hoose si aad u dhegaysatid hadalka Garyaqaanka.