SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

YAA QARXIYO BAALAYAASHA BECO?

(SAWIRKA)-BAALIHII BECO EE XALAY LAGU QARXIYEY DULEEDKA MUQDISHO.

(MUQDISHO)-Tan iyo markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud 15/5/22-kii dalka waxa uu galay weji cusub oo siyaasadeed si aad ahne uga duwan midkii isaga ka horeeyey,Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa ayaa bilaabay iney qeyb ka noqdaan dagaalka looga soo horjeeday kooxda Alshabaab ee ka socday Gobolka Hiiraan ee uuna hogaaminaayey Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan ee waqtigaas Md.Cali Jeyte Cismaan,waxaane la balaariyey dagaalka looga soo horjeedo Alshabaab lagan dhigay mid heer Federaal ah. DFS oo kaashanayso dadka degaanka iyo saaxibadda caalamka ayaa dhul baaxad weyn waxa ey ka fara maroojiyeen kooxda Alshabaab oo soo maamulaysay muddo dhan 16-sano,dagaalka lagula jiro Ashabaab ayaa leh seddex weji oo waa weyn kalana ah Mid dhaqaalaha lagala dagaalayo,mid fikirka ah iyo mid ciidamadda ah,waxayne arrintaan sababtay in kooxdu weyso dhaqaale fara badan oo ka soo geli jiray dhaqaale shacabka ey ka soo baado iyo Ganacsatada leh shirkadaha bixiya adeega bulshada,hadaba maxaa hadda soo kordhay? Labadii bilood ee la soo dhaafay waxaa qaraxyo lagu burburiyey dhismayaal ey leedahay Shirkada Hormuud ee bixisa adeega Isgaarsiinta,waxaane shirkada laga qarxiyey ilaa iyo 13-Xarumood ey ku leedahay Muqdisho iyo duleedkeeda,waxaane laga gubay ilaa laba gaari oo ah kuwa ey isticmaalaan shaqaalaha shirakada,laakinse arrinta soo korortay hadda ayaa ah in la bilaabay in Qarax lagu xiro Baalayaasha Korontada ee shirkada BECO ee bixisa adeega Korontada, Qaraxii ugu dambeyey waxaa xalay lagu xiray Baale ku yiilay duleedka Muqdisho waxaane koronto la’aan noqday dhawr Isbitaal iyo xaafado ka mida G/Banaadir,su’aashu waxa ey tahay Yaa ka danbeeyo Qaraxyadaan?

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA SI AKHRISO.