SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

YAA KU SOO BIXI DOONO TARTANKA JIMCAHA?

(SAWIRKA)-MUSHARIXIINTA AU-da.

(ADDIS ABABA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa ayaa sheegaayo in Seddex Musharax ey isugu soo hareen Doorashada Gudoomiyaha Midawga Afrika ee afarta sano ee socoto ka dib markii uu isaga haray tartanka tartamihii afraad oo ka socday dalka Mureeshiyoos. Tarmayaasha hadda isugu soo haray tartanka ayaa kasoo kala jeeda wadamadda kala ah”JABUUTI, KENYA IYO MADAGASKAR”,Doorashada lagu kala reebaayo Seddexdaan Musharax ayaa lagu wadaa iney dhacdo taariikhdu markeey tahay 13/12/24-ka kuna beegan maalinta Jimcaha ee inagu soo fool leh,sida lagu baahiyey bogga AU-da Luqadaha la isticmaali doono ayaa lagu sheegay iney kala yihiin{ ENGLISH, FRENCH, ARABIC, POTUGUES, SPANISH IYO SAWHILI}. Bogga AU-da oo soo bandhigay magacyadda Seddexda Tartame ayaa u qoray sidaan":

(1)-Maxamuud Cali Yuusuf. Waa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Jabuuti,waxa uu Maxamuud dhashay sannadkii 1965-tii waane 59-jir,waxa uu xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda qabtay sannadkii 2005-tii,waxa uuna xilkaan hayaa 19-sano oo xiriir ah,waxaa loo doortay inuu u tartamo xilka Gudoomiyaha Midawga Afrika bishii Abriil-2024-ka. Luqadaha uu Maxmauud ku hadlo ayaa lagu sheegay iney kala yihiin “Carabi,English iyo Burtaqiiska iyo Sawaaxiliga”.

(2)-Reila Amolo Odinga,waa Reysal Wasaarihii hore ee dalka Kenya isla markaasne ah Mucaaradka dalka Kenya ee aan dhicin soona taagan sannad walba,waa ninkii ku ololeeyey inuu Aqoonsi u raadin doono Somaliland haddii isaga loo doorto inuu noqodo Gudoomiyaha Ururka Midawga Afrika sannadka 2025-ka.

(3)-Richard J.Randriamandrato,waa Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ee dalka Madagaskar.

Dhinaca kale,waxaa jiro Tartamayaal u tartamaayo xilka Ku Xigeenka Gudoomiyaha Ururka Midawga Afrika oo markaan laga rabo inuu ka yimaado wadamada Waqooyiga Qaaradda Afrika halka Gudoomiyaha laga rabo inuu ka yimaado Wadamadda Bariga Qaaradda Afrika,tartamayaasha xilka Gudoomiye ku xigeenka Gudoomiyaha Midawga Afrika ayaa waxaa u tartami doono:

(1)-Saalax Faransis,waxa uu u dhashay dalka Aljeeriya.

(2)-Selma Malika,waxa ey u dhalatay dalka Aljeeriya.

(3)-Maxamed Axmed Fatxi,waxa uu dhashay dalka Masar.

(4)-Xanaan Moorsi,waxa ey u dhalatay dalka Masar.

(5)-Najat M.Elhajjaji,waxa ey u dhalatay dalka Marooko kaaso aan xubin buuxda ka ahayn Ururka Midawga Afrika lamana yaqaano sida loogu ogoolaaday iney xilkaasi u tartanto. LA SOCO NATIIJADA.

ISHA-AU.