SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

YAA KU LUG LEH AFGEMBIGA NIGER?

(SAWIRKA)-TAAGEERAYAASHA AFGEMBIGA NIGER.

(NIGER)-28/7/23-KA ayey ahayd markii Gen.C/raxman Tishani oo ah taliyaha ciidamadda ilaaladda Madaxtooyada dalka Niger uu afgembiyey Madaxweynihii lagu soo doortay si Dimuqaraadiyadda Maxamed Bazoum eyna awoodii dalka Niger kula wareegeen ciidamadda. Laba maalin ka dib afgembiga waxaa wadooyinka caasimadda Niyaami isugu soo baxay dad fara badan oo taageersan afgembiga waxa eyna ku dhawaaqaayeen magaca Madaxweynaha dalka Ruushka Vladamir Putin,la taliyaha Madaxweynaha Yukrayn Zelensky Mr.Mykhailo Podolyak ayaa sheegay in dalka RuusHka uu masuul ka yahay afgembiga ka dhacay dalka Niger. Madaxa kooxda calooshood u shaqeystayaasha Wagner Yevgeny Prigozhin ayaa u dabaaldegay afgembiga dalka dalka Niger waxa uuna ku sheegay inuu yahay mid lagu sameeyey gumaysiga dalka Niger,waxa uuna taliye Tishani u balan qaaday inuu siinaayo calooshood u shaqeystayaal ka qeyb qaata xasilinta dalka Niger.

ISHA/ARABIC.

HALKAN KA SI AKHRISO.