SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

YAA KA MASUUL AH QARAXYADII KA DHACAY SUUQA BAKAARAHA?

(SAWIRKA)-SUUQA BAKAARAHA OO QARAXYO KA DHECEEN.

(MUQDISHO)-Maalmihii la soo dhaafay waxa uu Muran xoogan ka dhex jiray Maamulka Gobolka Banaadir iyo Ganacsatada Suuqa weyn ee Bakaaraha,arrintaan ayaa soo bilaabatay muddo hadda laga joogo seddex bilood waxaane isku qabsaday Maamulka Gobolka Banaadir iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed,dood dheer ka dib labada dhinac ma eysan isla gaarin wax go’aan ah oo ku saabsan Canshuurta Cusub ee laga qaadaayo Ganacsatada Suuqa-Bakaaraha. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa iska qaatay go’aan kaligiis ah waxa uuna sameeystay Shirkad gaar ah una soo ururisa Canshuurta laga qaadaayo Ganacsatada Suuqa-Bakaaraha,arrintaan ayaa waxaa ka horyimid Ganacsatada Suuqa-Bakaaraha waxa eyna sameeyeen Mudaaharaad ey kaga soo horjeedaan canshuurtaan Gobolku dusha ka saaraayo eyna la ogayn Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed. Maanta oo Talaada ah waxaa Albaabada loo laabay goobaha Gancasiga ee loo yaqaano Bagaashka iyo Dharka ee Suuqa-Bakaaraha sababtoo ah waxa ey diidan yihiin in laga qaado canshuur aan sharciga waafaqsaneyn sida ey sheegeen,qaar kalane maamulka Gobolka Banaadir ayaa xiray waxaane hoos u dhacay dhaqdhaqaaqii qeybahaas laga maqan yahay. Duhurnimadii maanta waxaa Suuqa-Bakaaraha laga maqlay Qaraxyo isku xig xiga waxaane markii hore loo maleynaayey Hoobiyeyaal ku soo dhacay Suuqa-Bakaaraha balse ma eysan ahayn Hoobiyeyaal ee waxa ey ahaayeen Qaraxyo la dhigay Hareeraha Goobo Ganacsi ey iska leeyihiin dad ehel ah kana soo wada jeeda hal beel,Goobaha lala beegsaday Qaraxyada maanta ka dhacay Suuqa-Bakaaraha ayaa kala ah”Beder Electronic,Waayeel Electronic,Waaya-Arag,Kaamil Electronic iyo Sanguuni”sida booliska iyo NISA sheegeen Qaraxyada ayaa ahaay kuwa la dhigay hareeraha ama Gudaha Goobahaasi ganacsi waxa eyna Qarxeen waqtiyo isu dhaw,inta qofood ee qaraxyada ku dhimatay waa ilaa 21-qofood halka ey ku dhaawacmeen 39-qofood kale. Booliska iyo Hayadda NISA ayaa hadda wada baaritaan la xiriiro sida ey suuragal ku noqotay in Qaraxyo la soo geliyo gudaha Suuqa-Bakaaraha oo si aad ah loo ilaaliyo,dhinaca kale,DFS ma eysan sheegin wax war ah kuna saabsan arrintaan maanta ka dhacday Suuqa-Bakaaraha. HALKAANKALA SOCO WIXII KA SOO KORDHO.

ISHA/SB-MEDIA.