SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

YAA KA DAMBEYEY DILKII GANACSADE KAABAX?

(SAWIRKA)-GANACSADE MARXUUM ABUKAR KAABAX.

(MUQDISHO)-Tan iyo makii ey bilaabatay bishaan Feberaayo-2024-ka gudaha magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ka dhacay dilal kala duwan eyna gaysteen dad dembiileyaal ah kuwaaso qaarkood ey hayadaha amniga hayaan iyo kuwa ka maqan gacanta hayadaha amniga caasimadda Muqdisho. Dilaa Sayid Cali Macallin Da’uud oo gubay Xaaskiisa u leheed Uur lix bilood ah dacwadiisa waxa ey maraysaa gabagabo,laakinse waxaa gacanta hayadaha amniga weli soo gelin reerkii isu bahaystay dilkii macalin Maclaw kaaso maalin ka hor lagu aasay magaaladda Muqdisho,balse tan aan rabo inaan idinka daba geeyo ayaa ah arrinta ku saabsan dilkii iyo afduubkii la isugu deray Ganacsade Abuukar Axmed Kaabax. Ganacsadaha ayaa laga soo fduubay degmada Heliwaa waxaane lagu dilay lagana helay meydkiisa degaanka Garas-Baaleey ee duleedka Muqdisho,Marxuum Kaabax ayaa hadda dilkiisa waxaa loo soo xiray baarisne ey ku socotaa Taliyaha saldhiga degmada Heliwaa dhamme Qoslaaye iyo ilaaladiisa,lama yaqaano ilaa hadda sida taliye Qoslaaye uu ugu lug yeeshay dilka Ganacsade Kaabax balse hayadaha amaanka ayaa laga sugaa iney shaaciyaan.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA AKHRI.