YAA AMRAY,YAASE KA QEYB QAATAY WEERARKII HOTEL-KA MAA’IDA?
Dalka soomaaliya waxa uu marayaa xaalad kala guur ah oo waa waqti lagu wado inuu dhaco isbedel dhinaca hogaanka dalka ah isbedelkaasoo dhaca afartii sanaba hal mar,hayadaha dastuuriga ah ee dalka soomaaliya waa dhammaaday waqti xiloodkoodii sida hayada sharci deginta(baarlamaanka) waxa uu waqti xileedkooda ku ekaay 27/12/2020-ka halka hayadda fulinta iyo madaxweynaha uu ku ekaayey 8/2/2021-ka mana la haayo ciddii bedeli lahayd dhammaan hayadahaas ila wqatigaan aan qoraayo qoraalkan,waxaane jiray isku dayo lagu doonaayo in doorashadda dalka soomaaliya eey ku dhacdo waqtigeeda balse ma aysan guulaysan,dadaaladdii ugu dambayey ee la sameeyey waxba kama soo bixin oo madaxda maamuladda goboladda qaar ayaaba aqoonsaneeyn madaxweynaha inuu yahay sharci sidoo kalane midawga musharixiinta ayaa ayagana qaba in madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday yahay midaan sharciyad haysan sidaas darteedna eey tahay inuu banaanka ka joogo arrimaha dorashadda dalka soomaaliya. Hadaba midawga musharixiinta ayaa waxa eey sheegeen bishii la soo dhafay ineey qaban doonaan banaanbax looga soo horjeedo Farmaajo,banaanbaxa ayey ku beegeen 19-kii bishii febaraayo-2021-ka waxaane loo qorsheeyey in lagu qabto Daljirka Daahsoon laakinse waxaa dhacday arrin eey la yaabeen dhammaan dadka soomaliyeed ee daneeyo arrimaha doorashooyinka oo waxaa weerar lagu qaaday Hotel-ka Ma’ida eey deganaayeen labadii madaxweyne ee ka horeeysay Farmaajo kalana ah Shariifka iyo Xasan sheekh waxaane weerarkaas ka dhashay khasaaro soo kala gaaray labadii dhinac ee dagaalantay iyo burbur ku dhacay qeybo ka mida Hotel-ka Ma’ida,hadaba su’aasha taagan ayaa ah yaa qeyb qaatay weerarkaas la damacsanaay in lagu khaarijiyo madaxdii hore? Saraakiisha kala ah: (1)-C/laahi Kulane-sarlaak ka tirsan NISA la taliyane u ah Farmaajo. (2)-Gen.Maxamed Tahliil Biixi,taliyaha ciidamadda lugta ee CXDS. (3)-Siciid Maxamed Warsame(siciid Kampala) madaxa sirdoonka CXDS.(4)-G/le Dayax Cabdi C/lle taliyaha guutada Gor-Gor. (5)-Kabtan Saahid Jaamac(Jareere) taliyaha ururka 8-aad ee Gor-Gor. Waxaane ayadana mudan inaan la hilmaamin in taliyaha hayadda NISA fahad yahay shaqsiga loo malayhaayo inuu kaba dambeeyo waxa dhacay,faahfaahinta sheekadaan ayaan ka soo xigtay Bogga Goobjoofe.net.