KENYA UU SAAMEEYEY JOOJINTA QAATKA.
Ganacsato,Beeraaleeyda Qaatka iyo xildhibaanadda degaanka uu ka baxo Qaatka ayaa qorsheeynaayo ineey sameeyaan Dibad bax si xukuumadda loogu jajuubo ineey xal ugu hesho ganacsiga Qaatka Miirawga ee laga joojiyey dalka soomaaliya.
Seddex asbuuc ka hor ayey ahayd markii kooxdaan joojiyeen ineey sameeyaan dibad bax balaaran ka dib markii wasiirka beeraha Kenya Peter Munya ugu baaqay ineey is dejiyaan kalana hadlaan MW-Uhuru si uu ula hadlo dhigiisa soomaaliya MW-ne Maxamed C/laahi farmaajo. Arrintaan ayaa beeraaleyda Kenya u sababtay ineey soo wajahdo hoos u dhac dhaqaale waayo Qaatka loo dhoofiyo soomaaliya ayey Kenya waxa eey ka sameeyn jiray malaayiin doolar bishiiba waane guul u soo hoyatay shacabka soomaaliyeed in laga joojiyey Qaatka uga imaan jiray dalka Kenya,dhinaca kalane,dhaqaalaha ka soo xarooda Qaatka ayaa ahaay kan eey Kenya ku burburin jirtay hantida shacabka soomaaliyeed ee dega Jubooyinka ayaga oo marmarsiiyo uga dhigaayo ineey la dagaalamayaan Alshabaab,runtiine waa arrin mudan soo dhaweeyn iyo in halkeeda laga sii wado inta shacabkeeyna soomaaliyeed uu ka iloobaayo waxa la yiraahdo Qaatka nuucow doono ha noqdee.