SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

XUUTIYIINTA YEMAN OO SOO IIBSANAAYO HUB CUSUB.

(SAWIRKA)-GENTAALO EY SAMEYSAY IRAAN OO LAGU QABTAY BADDA ACS.

(WASHINGTON)-Sirtii ugu dambaysay ey soo ururiyeen Maraykanka iyo wadamadda reer Galbeedka ayaa tilmaameysa in xoogaga Xuutiyiinta dalka Yeman ey taageerto Iraan iney hub dheeraad ah ka rabaan dalka Iraan taaso sare u qaadeysa walaaca laga qabo in kooxda Xuutiyiinta Yeman iney ka go’an tahay sii wadista weerarada ey ku qaadayaan Maraakiibta mareysa marinka Badda Cas,khatarna ku ah isku dhac ballaaran oo ka dhaca Bariga dhexe. Saraakiisha Maraykanka ayaa ugu yaraan muddo bil ah falanqeynaayey xogta ku saabsan qorsheynta Xuutiyiinta Yeman iney kordhiyaan weerarada Maraakiibta mareyso biyaha Badda Cas eyna ku jirto in Xuutiyiintu isku dayayaan iney soo iibsadaan hub dheeraad ah oo ey u baahan yihiin si ey awood ugu yeeshaan iney gentaalo ku ridaan Maraakiibta sida xamuulka ee marta biyaha Badda Cas,sida lagu sheegay akhrinta xogta sirta ah ey heleen hogaanka wargayska POLITICO ka dib markii ey warasyteen sarkaal Maraykan ah aqoona u leh arrintaas. Sirdoonka ayaa sidoo kale tilmaamay in kooxdan Xuutiyiinta Yeman laga yaabo iney isku dayaan iney weeraraan ciidamadda reer Galbeedka ee ku sugan Gobolka Bariga Dhexe. Ilaa hadda ma cadda in duqeymihii ugu dambeeyey ee Maraykanka u gaystay Yeman ey bedeleen qorshaha Xuutiyiinta Yeman ee weerada noocaas ah. Horumarka imaanayo maalmo ka dib markii uu Madaxweyne Biden uu qiray in duqeymaha Maraykanka ee ka dhanka ah Xuutiyiinta Yeman ey ku guuldareysteen iney joojiyaan weerarada ey Xuutiyiinta Yeman ku hayaan Maraakiibta Ganacsiga,isagoo sidoo kale wacad ku maray iney sii wadi doonaan duqeymaha loo gaysanaayo goobaha ey Xuutiyiintu ka soo ridan gentaalada si loo wiiqo awooda Xuutiyiinta Yeman loona jebiyo rabitaankooda.

ISHA/POLITICO.

HALKAN KA SI AKHRISO.