SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

XUSUUS QARAXII ZOOBE 14/10/2017.

(SAWIRKA)QARAXII ZOOBE KA DHACAY 14/10/2017-KII.

(MUQDISHO)-Magaaladda Muqdisho waa caasimadda dalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,magaaladaan ayaa waxaa soo maray dagaalo kala gedisan oo ey ku hoobteen dad aad u fara badan oo aan waxba gaysan una badnaay dad shacab ah tusaale ahaan dagaalkii u dhexeeyey hogaamiye kooxeedyadii wada dhashay ee halaagay shacabkooda,kooxo diimeedkii dadka nacsiiyey in diinta islaamku tahay mid nabadeed ugana dhigay mid laga cararo lana naco,dhalashadii Maxaakimta ey ku hoos qarsanayeen kooxo xagjiro ah sida Alshabaab oo gacan saar la leh kooxda AL-qaacidda. In shacabka reer Muqdisho dhib balaaran ka dhaxlaan kooxiho diimeed ayaa waxaa u sabab ahaay kuwa ey liidato aqoontooda Diineed lana saftay kooxo diineed eysan aqooon fiican u lahayn kuwa ey yihiin iyo waxa uu yahay hadafkooda. Qaraxyo badan ayaa Muqdisho ka dhacay waxaane laga xusuustaa qaraxii Zoobe ee dhacay 14/10/2017-kii Qaraxaan ayaa galaaftay nafta dad gaarayo ilaa 600-qofood oo reer Muqdisha ah una badnaay dad xoogsata ah.Qaraxaan ma jirto ilaa hadda cid sheegatay iney ayada ka dambeysay balse waxaa dusha loo saaray kooxda looga bartay iney sameyso Qaraxyada arxan daridda ah waane kooxda Alshabaab. Ma aha Qaraxa Zoobe oo kaliyaha Qaraxyada ka dhacay Muqdisho ee xanuujiyey shacabka Muqdisho oo waxaa ka mid ah Qaraxii ka dhacay Hargaha iyo Saamaha ey ku dhinteen Arday iyo Masuuliyiin qarankooda u adeegaysay,qaraxaan ayaa waxaa sheegtay kooxda Alshabaab.

ISHA/CAASIMADA.

HALKAN KA SI AKHRISO.