SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

XULKA SENIGAL OO LOOGA BAQAAYO INEEY…

XULKA QARAN KA SENIGAL EE U-17

(ALGERIA)-Bishii la soo dhaafay ee April-29-keeedii-2023-ka waxaa dalka Algeria ka furmay tartanka kubadda cagta ee xulalka qaranka qaaradda afrika ee da’adoodu ka yar tahay 17-ka(U-17) kiisii labaad tan iyo markii kooxaha laga dhigay 12-kooxood,kooxahaan laba iyo tobanka ah ayaa ka soo kala baxay lix-Zone oo halkii Zone-ba ey ka soo bexeen laba koxood waane sidaan: North Zone waxa ka soo baxay dalalka Algeria iyo Marocco, South Zone waxa ka soo baxay Zambia iyo South Africa, Central Zone waxaa ka soo baxay Cameroon iyo Congo, East and Central Zone waxaa ka soo baxay Somalia iyo South Sudan, West Zone(A)- waxaa ka soo baxay Senigal iyo Mali, West Zone(B)-waxaa ka soo baxay Nigeria iyo Burkino Faso. Laba iyo tobankaan kooxood ayaa waxa ey isugu yimaadeen dalka Aljeeriya waxaane loo qeybiyey seddex guruub oo halkii guruba ey ku wada jiraan afar kooxood,nasiib darase waxaa tartanka laga saaray kooxdii ka socotay dalka K/Sudaan ka dib markii lagu helay shan cayaartooy oo da’adoodu ka weyn tahay 17-sano,qaanuunka lagu dhaqay K/Sudaan ayaa ha mid goor dhaw soo baxay kuna beegan inta uusan bilaaban tartanka(29/4/23)-ka,tartankaan ayaa lagu wadaa inuu soo dhammaado 19/5/23-ka. Seddexda Guruub ee kooxaha loo qeybiyey ayaa kala ah: Guruub-(A)-Aljeeriya,Somaliya,Kongo,Senigal, Gurub-(B)-Nijeriya,Zambiya,Marooko,K/afrika, Guruubka-(C)-Kameroon,Maali,Burkino Faso. Kulanada ilaa hadda dhacay iyo natiijadii kulanadaas. Guruub(A)- 29/4/23 waxaa wada cayaaray Somalia Vs Algeria( 0-2) waxa ku badiyey dalka martida loo yahay ee Aljeeriya, 30/4/23 waxaa wada cayaaray Senigal Vs Kongo( 1-0 ) waxaa ku adkaaday dalka Senigal, Guruub-(B)-30/4/23 waxaa wada cayaaray Nijeeriya Vs Zambiya(1-0) waxaa ku adkaaday dalka Nijeeriya, Guruub-(C)-1/5/23 waxaa wada cayaaray Mali Vs Burkino Faso(1-0)waxaane adkaaday Maali. Maanta oo ah Talaado(2/5/23)-ka waxaa cayaaray guruubka(A)- Somalia Vs Kongo(1-1) waxa ey ku dhammaatay barbardhac,halka Senigaal Vs Aljeriya(3-0) ey Senigaal aad ugu awood sheegatay dalka Martida loo yahay Aljeeriya kana dhalisay seddex gool iyo waxba. Kulanada berri oo Arbaca ah(3/5/23)-ka dhacaayo ayaa kala yihiin: Guruubka(B)- Nigeriya Vs Marooko waa kulan aad u adag oo xiiso leh, K/Afrika Vs Zambiya. WIXI NATIIJO AH KALA SOCO HALKAAN.

WAXA DIYARIYEY-SB-MEDIA.