SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

XULKA QARANKA K/CAGTA SOOMALIYA OO…

WASIIRKA DHALLINYARADA IYO CAYAARAHA XFS. BARRE.

(MUQDISHO)-Waxa aan la soconaa in bishii inaga tagtay ee Febaraayo-2023-ka dhammaadkeedii la doortay Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta(SFF),doorashada ayaa waxa ka taagnaay muran u dhexeeyey laba garab oo midba sheeganaayo in isaga uu yahay kan xaqa u leh inuu qabto Doorashada,arrintaan ayaa waxaa soo farageliyey Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee XFS Xildhibaan Wasiir Maxamed Barre Maxamuud,waxa uuna Wasiirku sheegay in kaalinta Wasaaradda tahay oo kaliyah Korjoogtayn balse eysan faragelineyn hawlaha XSKC,Wasiir Barre ayey dad fara badan ku tuhmaayeen inuu u janjeero dhinac ka mida dhinacyada is haayo balse uu isqarinaayo. Taariikhdu markeey ahayd 22/2/23-ka ayaa waxaa magaaladda Muqdisho ka dhacay laba Doorasho oo lagu kala qabtay Hotel-da kala ah Elite iyo Aljazeera ee magaaladda Muqdisho,labadaan Doorasho ayaa loogu tartamaayey xilka Madaxweynaha XSKC(SFF) natiijada labada Doorasho ayaa loo diraayey Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA si ey u soo kala saaraan una sheegaan mida saxda ah iyo mida aan saxda ahayn ee FIFA aqoonsanayn,waxaane dhacday in FIFA aqoonsatay Doorashadii ka dhacday Hotel Elite taaso lagu Doortay Madaxweyne Cali Cabdi Maxamed(Cali Shiine) waxaane Cale Shiine loo soo diray Casuumad uu kaga qeybgelaayo Doorashada Cayaartoyga sannadka-2022-ka oo ka dhceysay caasimadda dalka Faransiiska ee Paris,taaso marqaati u noqotay in FIFA aqoonsan tahay Doorashadii lagu doortay Cali Shiine,hadaba maxaa dhacay maanta oo Isniin ah 20/3/23-ka? Waxaa loo balansanaay kulan saaxibtinimo ah inuu dhexmaro Xulka Qaranka Kubadda Cagta Soomaliyeed ee da’adoodu ka yar tahay 17-sano iyo kooxda Elman FC kana dhisan magaaladda Muqdisho,kulanka ayaa lagu balansanaay inuu ka dhaco Garoonka Caalamiga ah ee Stadium Muqdisho nasiib darase waxaa labadii kooxood loo diiday ineey galaan garoonka kuna wada ciyaaraan,markii hore ayaa labada koox loo ogolaaday ineey ku wada ciyaraan garoonka balse Waasiir Barre oo loo sheegay in kulanka uu ka dhacaayo Garoonka Stadium Muqdisho ayaa amray inaan labada kooxood loo ogolaan iney galaan Garoonka Stadium Muqdisho sidaasne waxaa ku baaqday kulankii saaxibtinimo.

ISHA WARKA SB-MEDIA.

HALKAAN KA DHEGAYSO.