XULKA DALKA SOOMAALIYA OO KA HARAY…
XULKA DALKA SENGAAL.
(ALGERIA)-Waxaa gabagabo maraayo tartanka kubadda cagta ee u dhexeeyo Xulalka Qaranka Kubadda Cagta ee Qaaradda Afrika ey da’adoodu ka yar tahay 17-ka sano,tartankaan ayaa waxaa ka qeybgalay 12-kooxood waxaane loo kala qeybiyey seddex Wareeg(A,B&C). Soomaaliya waxa ey nasiib u yeelatay iney ka mid noqoto Wareega(A) waxaane ku wehliyo dalalka Aljeeriy,Senigal iyo Kongo,hadaba kulandii shalay dhacay ayaa loo kala adkaaday sidaan: Soomaaliya Vs Senigal(0-3),Koongo Vs Aljeeriya(1-1),sidaan waxaa Wareegaan uga soo baxay dalalka Senigaal oo leh sagaal dhibcood,Aljeeriya oo leh afar dhibcood iyo Koongo oo leh laba dhibcood,Soomaaliya waa ey ka hartay tartanka qeybtiisa kale. Maanta oo sabti ah ayaa waxaa dhacay kulano ey isga hor imaanayeen kooxaha ku wada jiro Wareega(B) waxa eyna kooxuhu isu arkeen sidaan: Zambiya Vs Marooko(2-1), K/Afrika Vs Nigeriya(2-3) waxaane Wareegaan ka soo baxay Marooko oo leh lix dhibcood iyo afar gool iyo Nigeeriya oo leh lix dhibcood iyo hal gool waxaane kaalinta seddexaad ku jiro dalka K/Afrika oo leh seddex dhibcood waxaane lagu leeyahay laba gool halka Zambiya ey ayaduna leedahay seddex dhibcood balse waxaa lagu leeyahay gool gool. Wareega(C) waxaa hogaanka u haayo dalka Maali oo leh lix dhibcood iyo seddex gool,kooxda soo labayn doonto waxaa laga ogaan doonaa kulanka dhacaayo berri oo Axad ah(7/5/23)-ka waxaane isku arkaayo Burkino Faso Vs Kameroon,labadaan kooxood ayaa waxaa ka soo wada badiyey xulka dalka Maali oo hadda hogaaminayo Wareega(C). HALKAAN KALA SOCO NATIIJADA.