SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

XUKUUMADDA CUSUB EE DENI OO EY SOO WAJAHDAY..

(SAWIRKA)-XUKUUMADDA PUNTLAND.

(GARAWE-PUNTLAND)-Tan iyo markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu magacaabay Reysal Wasaare Xamse cabdi Barre maamulka Puntland waxa uu ku Qataarnaay DFS. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isku dayey inuu xal u helo arrinta Puntand waxa uuna safar ku tegay Garawe waxa uuna halkaas kula soo kulmay Isimadda iyo siyaasiyiinta maamulkaasi. Mar kale waxaa dib loo doortay MW-Deni waxaane caleem saarkiisa ka qeybgalay MW-Xasan Sheekh halkaasne ugu soo hambalyey MW-Deni,intaas oo dhan MW-Deni waxba iskama bedelin mawqifkiisi ahaay kala irdhoobida DFS iyo maamulka Puntland,hadaba maxaa taagan hadda? Maxayse Puntlanda ka faa’iiday kala Irdhoobidda DFS?. MW-Deni iyo Golayaashiisa oo isku sidkan ayaa xafiisyada ku jiri waayey ka dib dhaqaale xumo baahsan oo laga cabsi qabo iney Gaajo iyo Macluul isu bedesho mar dhaw. Maamulka Punland oo horay uga diday DFS xiligii ey u gacan gashay Hooyadii Fedraalka Siciid Deni oo cidla ula cararay isaga oo xajar maxjuur kala ahaayeen DFS ee Mashaariicda siin jirtay Puntland Farmajo iyo Xasan Sheekhba Deni Albaabada ayuu ka xirtay balse hadda xaaladdu waa ku JIQ sidii loo saxiixay Heshiiskii Difaac dalka Turkiga iyo Soomaaliya. MW-Deni iyo dawaladdii NAAS Nuujin jirtay ee Imaaraatka Carabta ayaa khilaaf xoogan soo kala dhexgalay, saw ma aha “Kaligeed Cuntooy Kaligaa Celceli”xukuumadda Deni ey soo food saaratay Gaajo iyo Macluul aad u xun. Maamulka Puntland ayaa hadda dareemay gaajadda iyo marnaanshaha Akoonada maamulka leeyahay laakinse shacabka Puntland abeesadu afka kama qaadin oo adeeg xumada waxaa u dheer Amni darro,Faqri,Adeegyadda caafimaad oo aad u hoseeyo iyo Mushaar la’aanta haysata Ciidamdda iyo shaqaalaha Maamulka Puntland. MW-Deni ayaa hadda ku mashquulsan Qorshe uu dhaqaale kaga raadiaayo maamulka Curdinka ah ee SSC-khatumo,muxuu Deni Qorsheynayaa? (1)-In canshuurta Gaadiidka lagu kordhiyo SSC-khatumo. (2)-In Qaadka aadaayo Laascaanood Canshuur xad dhaaf ah lagu soo rogo si Puntland uga macaashto. (3)-In heshiis hoose lala saxiixdo Madaxweyne Firdhiye si uu isugu soo jiido MW-Xasan Sheekh iyo MW-Deni.

ISHA/KM.