XUKUUMADDA ABIY OO CADAADIS SARTAY XISBIAYDDA SIYAASADDA.
(SAWIRKA)-HESHIISKII ABIY IYO BIIXI.
(ADDIS ABABA)-Magaaladda Caasimadda ah ee Addis Ababa waxaa maalmahaan ka socday kulano ey dabada ka riixayso Xukuumadda uu hogaamiyo Dhiigya Cab Abiy Axmed,shalay waxaa tegay Xarunta Ciidamadda Badda Itoobiya ee dib leysugu soo ururiyey Gudiga baarlamaanka u qaabilsan Xiriirka Dibadda iyo Nabadda waxayna taageero u muujiyeen ciidamadda badda ee qalbi jabsan,maantane waxaa war soo saaray Xisbiyadda dalka Itoobiya ee aan magacyadooda la xusin,waxa eyna sheegeen iney taageersan yihiin Heshiiskii Itoobiya iyo Soomaaliland. Golaha Wadajirka Xisbiyadda Siyaasadda dalka Itoobiya ayaa si aqlabiyad leh u taageeray Heshiiskii Is-afgaradka Soomaaliland. War murtiyeed ey shalay soo saareen Golaha isku dhafka ee Xisbiyadda Siyaasadda dalka Itoobiya ayaa lagu yiri”Ka dib markii aanu falanqeynay qaab-dhismeedka Heshiiska,Nuxurka uu Xambaarsan yahay oo tafatiran,fursadaha iyo khataraha la xiriiro heshiiska waxaan xaqiijinay inaan si wadajir ah oo mideysan u taageersanahay Heshiiskaas. War saxaafadeedka Goluhu waxa uu intaas ku daray “Waxaan ka wada hadalnay khatarta Gudaha iyo Dibadda iyo fursadaha jira ee ku aadan dhaqan gelintiisa,waxaan xaqiijinaynaa iney inaga go’an tahay gudashada doorkeyna,anagoo u wada istaageyna ka mira dhalinta Heshiiska. Waxaa kaloo Goluhu ugu baaqeen Xukuumadda,Xisbiyadda siyaasadda iyo guud ahaan bulshada iney doorkooda wanaagsan ka qaataan. Waxaa la xusuustaa in Heshiiskii Itoobiya iyo soomaaliland ee la saxiixay 1/1/24-kii ey ku jiraan qodobo awood u siinaayo Itoobiya iney xaqiijiso gelitaanka badda iyo kala duwanaanta marinka badda. Dawladda itoobiya waxa ey sheegtay in qeyb ka mida heshiiska ey ku jirto in dawladda Itoobiya ey qiimeyn qoto dheer ku samayso sidii mawqif uga qaadan lahayd dedaaladda ey Soomaaliland ugu jirto aqoonsi raadinta.
ISHA/AS.