SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

XOGHAYAHA GUUD EE QM OO SOO GAARAY..

SAWIRAKA GUTERRES OO JOOGA BAYDHABO.

(MUQDISHO)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobaya Antonio Guterres ayaa soo gaaray caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho maanta oo Talaada ah(11/4/23)-ka, Mr.Gutterres ayaa booqasho rasmi waxa uu ku marayaa wadamadda Geeska Afrika sida Soomaaliya,Itoobiya Kenya iyo Jabuuti, wadamadaan ayaa waxaa saameyn xoogan ku yeeshay abaaraha ka dib markii uusan Roob ka di’in muddo dhan 40-sano. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Guterres ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aden Cadde ku soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh iyo Mr.Guterees ayaa si wadajir waxa ey Madaxtooyadda JFS ugu wada qabteen shirjaraa’id ey ka soo wada qeybgaleen warbaahinta Muqdisho sugan,labada masuul ayaa si qoto dheer waxa ey uga hadleen arrimaha Samafalka iyo dagaalka Khawaarijta lagulajiro kaaso hadda uu wejigiisii labaad ka bilawday qeybo ka mida dalka. Mr.Gutterres iyo wafdigiisa oo ey wehliyaan dhammaan wakiiladda Qaramada Midoobe u joogo Soomaaliya ayaa gaaray magaaladda Baydhabo oo hadda xarun ku meel gaar u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku sugan dad Barakacayaal ah oo aad u fara badan kana kala yimid degaanada u dhaw Baydhabo. Mr.Guterres iyo wafdigiisa waxaa garoonka Baydhabo ee Col.Shaati Guduud ku soo dhaweeyey ku simaha Madaxweynaha KGS ahne Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka KGS Marwo-Shamso Maxamed Yaraw iyo Wasiirada Gargaarka,Dekedaha,Arrimaha Gudaha iyo Gudoomiyaha degmada Baydhabo.

ISHA WARKA.SB-MEDIA