XILDHIBANKII UGU HOREYEY OO SOOMAALI AH.
XILDHIBAAN SHARIIF XAAJI OO LAGU DOORTAY DALKA KANADA.
(CANADA)-Shariif Xaaji ayaa noqday Sooamaaligii ugu horeeyey ee loo doorto baarlamaanka Gobolka Alberta ee dalka Kanada. Shariif waxa uu u tartamay kursiga Xisbiga New Democratic Parta(NDP) waxa uuna Shariif helay codad dhan 52.5% codadkii laga dhiibtay degaanka Edmonton-Core. Shariif ayaa ka guulaystay seddex Musharax uu ka mid yahay Sayid Axmed oo metelaayey Xisbiga Muxaafadka,doorashada xisbiga dhexdiisa ahayd ayaa la qabtay June-2022-kii Shariif waxa uu kaga soo adkaaday Chris Nielsen oo baarlamaanka gobolka ku metelaayey degaankaas marka laga soo bilaabo sannadkii 2015-kii. Nielsen oo cadaan ah ayaa taageero balaaran ka haystay ururada shaqaalaha rayidka ah,balse guusha Shariif ayaa muujinayso in codadkooda aaney wax badan ka bedelin natiijada doorashada. Xildhibaanka la doortay ayaa ololihiisa ku saleeyey waxyaabihii uu u soo qabtay bulshada Alberta iyo qaabka uu wax uga qaban doono arrimo ey ka mid yihiin sinaan la’aanta isirka ee gobolkaas. Alberta ayaa waxaa ku nool soo galooti fara badan,gaar ahaan qoomiyadda Bariga Afrika oo ey ka mid tahay Soomaalida. “Guushaydu waxay uga dhigan tahay Soomaalida iyo qowmiyadaha Bariga Afrika inaan nahay dad qaan gaaray oo aan ka mid nahay 87-da xubnood ee gobolku doorto si aayaha iyo danaha Alberta ey go’an uga gaaraan mudada afarta sano ee soo socoto”ayuu yiri Shariif. Waxa uu sheegay Shariif in Xisbigiisa NDP uu u janjeero soo dhaweynta dadka soo galootiga ah oo ey Soomaalidu ka mid tahay.”Dadka Soomaaliyeed ee gobolkaan Alberta degan waxa ey u baahan yihiin ganacsato yaryar,dhanka dhaqaalaha iyo canshuur dhimista marka loo fiiriyo Xisbigayga waa uu u wanaagsan yahay dadkaas.Marka Siyaasadaha aan dadka horgaynayey ayaa u badnaa kuwa u cuntama dadka Soomaaliyeed”ayuu ku dooday Shariif.
WAA KUMA SHARIIF XAAJI?
Shariif Xaaji waxa uu tegay dalka Kanada sannadkii 2011-kii,inta uusan Shariif gaarin Kanada waxa uu ka mid ahaay hawlwadeenada Hayada World Vision ee ka shaqeysa Soomaaliya. Sida ku cad bartiisa Linkedln,Shariif waxa uu sannadkii 2010-kii sahaahadad Culuumta Caafimaadka iyo adeegyada bulshada ka qaatay Jaamicadda Koonfur Afrika(University of south Africa). Shariif Xaaji markii u tegay dalka Kanada waxa uu shahaadada Master-ka ku sameeyey Caafimaadka dadweynaha ee Jaamicadda Alberta,waxa uuna in mudda ah ka shaqeynaayey arrimaha bulshada gaar ahaan danaha Afrikaanka ku nool Kanada. Markii uu Shariif u tartamaayey xilkaan waxa uu iska soo casilay Agaasimaha Africa Centre,jagadaasi uu Shariif haayey muddo dhan afar sano. Xildhibaan Shariif Xaaji ayaa ka mid ahaay asaasaseyaashii ururka Federation of Africa Canadians Economics(FACE),ururkaan ayaa dhaqaale u raadiyo ganacsiyada ey dadka madaw ku leeyihiin dalka Kanada,sidoo kale,waxa uu Shariif xubin ka ahaay isbahaysiga dhaqamada kala duwan ee Edmonton iyo Xarunta Isirka iyo dhaqanka,Shariif ayaa xilal kala duwan waxa uu ka soo qabtay wasaarado dhawr ah uu leeyahay gobolka Alberta.
ISHA WARKA BBC-SOMALI.