XILDHIBAANO LA CASHEYEY LANA QADEEYEY SAFIIRKA ITOOBIYA EE ….
(SAWIRKA)-XILDHIBAANADA AXMED KOOSHIN IYO XASAN C/NUUR.
(NAIROBI)-Sida ey Xog hoose ku heshay warbaahinta SUUQBACAAD MEDIA qeybteed fadhidda Bariga Afrika gaar ahaan magaaladda Nairobi ee ah caasimadda dalka Kenya,waxaa soo baxday sir aad u xoogan kuna saabsan in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo gaaraayo ilaa afar iney booqdeen Safaaradda dalka Itoobiya ku leeyahay dalka Kenya tiro ka seddex jeer bishii la soo dhaafay ee Juun-2024-ka,Xildhibaanadaan ayaa Safiirka Itoobiya Bacha Debelle ee fadhigiisu yahay Nairobi la qaateen kulano Qado ah iyo Casho ah oo ka wada dhacay gudaha Safaaradda Itoobiya. Sida ilo wareedyo ku dhaw Xildhibaanadda ey u xaqiijiyeen SB-Media Magacyadda Xildhibaanadda ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee galay Safaaradda Itoobiya in ka badan seddex jeer ayaa magacyadooda kala ah: (1)-Axmed Cabdi Kooshin. (2)-Xasan Cabdinuur. (3)-Maryan Faarax Kaahiye. (4)-C/laahi Adan Kulane(Kulane Jiis). Labaatankii bishii hore ayey ahayd markii baraha bulshada lagu arkay hadal haynta Xildhibaano Soomaliyeed oo Nairobi lagu dhibaateeyey,Xildhibaanadda la xusay magacyadooda ayaa kala ahaay Axmed Kooshin iyo Xasan C/nuur,hadaba ma waxaa dhab ah arrinka sheegaayo in ciidamadda dharcadka ah ee Kenyanka ah ee qabtay ragaan ey ka shakiyeen ragaan ka dib markii ey arkeen iyagoo ka soo baxaayo Safaaradda Itoobiya ee dalka Kenya? Haddii Xildhibaanadu galeen Safaaradda Itoobiya iyagoo sheeganaayo iney yihiin mawaadiniin haysta dhalashada Australia iyo Maraykanka isla markaasne ey inkireen iney yihiin Xildhibaano Soomaliyeed,waa xaq in Dharcadu Kenyanka ah su’aalo weydiiyaan raga galay Safaaradda Ajnabi ah kuna taalo Nairobi,waayo waxaa masuuliyad ka saaran tahay Amniga Safaaradaha Ajnabiga ah kana hawlgala caasimadda Nairobi.
ISHA/SB-MEDIA.