SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

XILDHIBAANADDA MUCAARADKA DALKA TURKIGA OO KA SOO…

(SAWIRKA)-MARAAKIIBTA DAGAALKA TURKIGA U SOO DIRAAYO XEEBAHA SOOMAALIYA.

(ISTANBUL)-Wararka ka imaanayo dalka Turkiga ayaa sheegaayo in Xildhibaanadda Mucaaradka ee dalka Turkiga ey walaac xoogan ka muujiyeen soo jeedinta uu dhawaan soo jeediyey Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ee ku aadan in ciidamadda Badda ee dalka Turkiga la geeyo biyaha dalka Soomaaliya ka dib markii heshiis shidaal baaris ah uu dhexmaray dalalka Turkiga iyo Soomaaliya. Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga ugu weyn ee Mucaaradka ah ee Jamhuriga (CHP) Yanki Bagcioglu oo hore u ahaa Admiter,ayaa ka digay Sabtidii la soo dhaafay in u xilsaaridda Ciidanka Turkiga iney ka hawlgalaan Badda Soomaaliya ey halis gelin karto hawlgaladda Mileteri ee socda iyo amniga Qaranka. Hadal Qoraal ah uu soo saaray Bagcioglu ayuu ku yiri”Ciidamadda Turkiga ee la geynaayo Xeebaha dalka Soomaaliya waxay halis gelin karaan hawlaha aan hadda wadno iyo Amniga Qaranka. Khatarta ka dhallan karta Mooshinkaan waa in si weyn looga fiirsadaa”. Bishii Feberaayo ee sannadkan Turkiga iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka Difaaca iyo Dhaqaalaha ah intii lagu guda jiray booqashadii Wasiirka Difaac Soomaaliya Md.C/qaadir Maxamed Nuur uu ku tegay magaaladda Ankara ee dalka Turkiga. Dalka Turkiga ayaa sannadihii u dambeeyey xoojiyey isbahaysiga uu la leeyahay dalka Soomaaliya isagoo dhisay Iskuulo,Isbitaalo iyo kaabayaasha dhaqaalaha wuxuuna deeqo waxbarasho u fidiyey ardayda Soomaaliyeed.

ISHA/TURKISH MINUTE.

SII AKHRI.