SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

XILDHIBAANADA FAWSIYA OO SHAACISAY…

(SAWIRKA)- XILDHIBANADA FAWSIYA IYO RAILA ODINGA.

(NAIROBI)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa sheegaayo in Xildhibaanad Fawsiyo X.Aden halkaasi ey uga dhawaaqday iney tahay qof u sharaxan iney qabato kursiga ugu sareeyo ee Ururka Midawga Afrika(AUC),Xildhibaanada Fawsiya oo ku sugan Nairobi ayaa waxa ey wareysi buuxa siisay wargayska ugu caansan dalka Kenya ee THE DAILY NATION kuna soo baxa Afka Ingiriisiga,Xildhibaanad Fawsiya ayaa tiri”Anigoo u tartamaayo xilka Gudoomiyaha Midawga Afrika,waxaan hiigsanayaa inaan xoojiyo xiriirka ka dhexeeyo wadamadda Afrika oo aan ka shaqeeyo sidii loo heli lahaay qaarad mideysan oo isku dhafan”. Xilkaan ey raadinayso Xildhibaanada Fawsiyo X.Aden ee ah Gudoomiyaha Ururka Midawga Afrika ayaa sidoo kale waxaa isagana u tartamaayo ninka ugu tunka weyn mucaaradka dawladda Kenya ee looga adkaaday doorashadii ugu dambeysay ee ka dhacday dalkaasi Raila Odinga,waxa uuna booqasho ku kala bixiyey wadamadda ka bahoobay Ururka Bulshada Geeska Afrika marka laga reebo Soomaaliya iyo Jabuuti.

ISHA/HIIRAAN.

HALKAN KA AKHRI.