SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

XILDHIBAAN FAARAX MACALLIN IYO AFHAYEEN MOSES…

(SAWIRKA)-XILDHIBAAN FAARAX MACALLIN.

(NAIROBI)-Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya kana soo jeedo Qawmiyadda Soomaalida ayaa lagu amray inuu garbihiisa ka dulqaado Cimaamadda lagu yaqaano dad reer Falastiin,Xildhibaankan ayaa soo xirtay Cimaamadda ey caanka ku yihiin dadka reer Falastiin fadhigii uu yeeshay Baarlamaanka Kenya shalay oo Arbaca ahayd. Xildhibaan Faarax Macallin oo ah Xildhibaanka soo xirtay Cimaamada lagu yaqaano dadka reer Falastiin ayaa sheegay sababta uu u soo xirtay Cimaamada iney tahay midnida iyo wadajirka shacabka reer Falastiin ee Gaza,waqti uu halkaasi ka socdo dagaal u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo ciidamadda difaaca Isra’ii. Xildhibaan Faarax Macallin ayaa yiri”Falastiin waxa ey u baahan tahay in qof kasta oo Kenyan ah uu taageero”. Laakinse,afhayeenka Baarlamaanka Kenya Hon.Moses Wetangula ayaa amray Xildhibaan Faarax Macallin inuu garbihiisa ka dulqaado Cimaamadda Falastiin,waxa uuna sheegay in dharka xadgudub ku yahay sharciga baarlamaanka,Xildhibaan Faarax Macallin ayaa cambaareeyey sharci dejiyeyaasha reer Kenya waxa uuna ku sheegay iney yihiin kuwa aan ixtiraamin sharciga aqalka.

ISHA/SB-MEDIA.