XEER ILAALINTA OO RACFAAN KA QAADATAY…
(SAWIRKA)-XEER ILAALIYAHA GUUD EE QARANKA MAXAMED SULEYMAAN.
(MUQDISHO)-Khamiistii la soo dhaafay ayey ahayd markii Maxkamadda Gobolka Banaadir xukuno kala gedisan ey ku riday Masuuliyiin iyo Saraakiil ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya,dadka la soo eedeeyey ayaa loo haystay iney sameeyeen Musuq-Maasuq waqtigii ey shaqada ka hayeen hayadaha DFS,hadaba xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa maanta oo Axad ah(1/10/23)-ka waxa uu si hordhac ah u soo saaray Racfaan la xiriiro Xukunadii ey riday Maxkamada G/Banaadir taariikhdu markey ahayad(28/9/23)-ka,talaabadaan ayaa ka dhigan in Xeer Ilaalintu eysan ku Qancin Xukunadii dhaca.
ISHA/CAASIMADDA.