SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

Xatooyo ka dhacday xiriirka k/cagta Masar.

Marka laga hadlaayo cayaarta kubadda cagta ee Qaaradda Afrika waxa isla markiiba maskaxadayna ku soo dhacaayo dalka Masar oo tiro ka seddex jeer oo isku xigta ku guulaystay horyaalka xulalka K/cagta ee qaranada Qaaradda Afrika,sannadadii 2006-dii,2008-dii iyo 2010-kii waxayna gacanta ku dhigeen koobkii loo tartamaayey uu dhigay xiriirka kubadda cagta Qaaradda Afrika(CAF),laakinse maxaa dhacay?

Sida laga soo xigtay gudoomiye ku soo xigeenkii hore ee xiriirka kubadda cagta ee dalka Masar(EFA) hadane xubin ka ah xiriirka isla markaasne horay u soo noqday goolhayihii hore ee xulka qaranka Masar Axmed Shubeeyr waxaa la waayey koobab badan uu ku guulaystay dalka Masar uuna ka mid yahay kan qaranadda Qaaradda Afrika,waane mid lala yaabo ayuu yiri Axmed Shubeeyr. XIGASHO MIDDLE EAST EYE.

Halkaan ka akhriso: