SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

XASUUQII KA DHACAY BOSNIA.

MEYDADKII 50-KII QOF EE LA AASAY MAANTA.

(BOSNIA)-Dalka Bosnia waxaa ka dhacay xasuuq aad u ba’an oo loo gaystay dadka Muslimiinta ah ee dalkaasi degan,rag iyo wiilal ayey ahayeen dadkii Bosnia lagu xasuuqay welina waxaa jirto in la baadi goobaayo meydadka qaara aan weli la helin waxaane la aqoonsaday 50-qofood meydkooda kuwaaso horay loo dilay waxaane aas lagu maamuusaayo maanta oo Isniin ah loogu sameeyey gudaha dalka Bosnia,waxaane aaskaas ka soo qeybgalay kumanaan qofood oo xusuusanaayo sannad guuradii ka soo wareegtay xasuuqii ka dhacay SREBRENICA sannadkii 1995-tii,Qaaradda Yurubne waa xasuuqa kaliyah ee la qiraayo tan iyo markii uu dhacay gumaadkaan ba’an. 27-sano ka dib markii uu dhacay xasuuqii ba’anaay ee Bosnia ayaa waxaa aas maanta loo sameeyey 50-qofood oo kale(47-Rag,3-wiil) kuwaaso ayagana lagu aasay xabaalaha lagu aasaya kuwii ayaga ka horeeyey,6,600-qofood ayaa lagu dilay xasuuqa ka dhacay Bosnia-1995-kii.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.