XASUUQ MUSLIMIIN LOOGU GAYSTAY ITOOBIYA.
(ADDIS ABABA)-Golaha sare ee ka arrimiyo arrimaha Muslimiinta dalkaas Itoobiya war eey soo saareen waxa eey xukuumadda Itoobiya kaga dalbadeen in si deg deg ah loo baaro xasuuqii muslimiinta loogu gaystay magaaladda Gondar ee gobolka Amxaaradda ee dhaca waqooyiga dalkaas Itoobiya. Golaha ayaa waxa kaloo uu dalbaday in cadaaladda la horkeeno kuwii xasuuqa geystay lana sameeyo baaris dhab ah,xasuuqaan ayaa waxa uu dhacay laba maalin ka hor waxa una soo jiitay indhaha dadka dego bariga qaaradda Afrika.
XIGASHO ANADOLU