SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

XAMAAS OO SII DEYSAY MAXAABIIS REER ISRA’IIL AH.

(SAWIRKA)-MAXAABIISTA REER ISRA’IIL.

(GAZA)-Wararka laga helaayo Marinka Gaza ayaa sheegaayo in Guutada AL-Qasaam oo ah Garabka Hubeysan ee Xamaas ey maanta oo Sabti ah seddex nin oo Isra’iil ah ey laba goobood oo ku yaallo Marinka Gaza ku wareejiyeen Ururka Laanqeerta Cas ee Caalamiga ah taaso qeyb ka ah heshiiska isdhaafsiga Maxaabiista ee u dhexeeya Xamaas iyo Isra’iil. Sida ey sheegtay warbaahinta Maxaliga ah laba la haystayaal oo reer Isra’iil ah kalana ah”Ofer Calderon iyo Yarden Bibas”ayaa lagu wareejiyey Ururu Laanqeerta Cas ee Caalamiga ah ee ka hawlgala Khaan Yoonis ee Koonfurta Marinka Gaza. Maxbuuska seddexaad ee reer Isra’iil lana yiraahdo Samuel Siegel oo isna ahaa la hayste reer Isra’iil balse haysta dhalashadda daka Maraykanka ayaa waxaa loo dhiibay Wakiiladda Ururka Laanqeerta Cas ee Caalamiga ah ee ku sugan Dekedda magaaladda Gaza,waxaane u dhiibay Guutada AL-Qasaam. Xarakadda Xamaas ayaa xaqiijisay iney ku wareejiyeen seddex Maxbuus oo reer Isra’iil ah laba ka mid ahne ey haystaan dhalshada dalka Maraykanka kuwaaso laga soo qafaashay Gaza,si ey u sii daayaan qeyb cusub oo ka mid ah Maxaabiista reer Falastiin ee ku jirta Xabsiyadda Isra’iil. Xamaas ayaa sidoo kale sheegtay inkastoo ey xaaladdu adag ey ka jirto Gaza,hadane Guutooyoonka AL-Qasaam waxa ey bixiyeen Daryeel Caafimaad ee looga baahnaa in la siiyo Maxaabiista. Dhinaca kale,Ciidamadda Isra’iil ayaa xaqiijiyey in seddex qof kana mid ahaa dadkii ey Xamaas haysatay loo soo gacan geliyey eyna u keentay Laanqeerta Cas,wareejinta ayaa waxa ey ka dhacday goob ey ku sugan yihiin Falastiiniyiin aad u badan sidoo kale,xubno ka tirsan Guutooyina AL-Qasaam ayaa si aad ah loogu daadiyey degaanka si ey kormeeraan xil wareejinta. Baabuurta Laanqeerta Cas oo soo gaartay Khaan Yoonis iyo magaaladda Gaza subaxnimadii hore ayaa fududeysay wareejinta Maxaabiista reer Isra’iil,iyadoo raaceysa shuruudaha lagu heshiiyey. Tani waxa ey ka dhigan tahay iney tahay heerkii ugu sareeyey ee heshiiska isdhaafsiga Maxaabiista ee wejiyadda badan una dhexeeyo Xamaas iyo Isra’iil kaaso lagu sii daayey Maxaabiis reer Falastiin ah oo lagu bedeshay la haystayaal askar reer Isra’iil ah,habka isweydaarsiga ayaa ku socdo dadaallo dhexdhexaadin caalami ah. Sii deynta Maxaabiista reer Isra’iil ka dib,dhinaca Isra’iil ayaa la filaa in gelinka dambe ee maanta iney sii daayaan 183-Maxbuus oo Falastiiniyiin ah oo ku jira Xabsiyadda Isra’iil oo ey ka mid yiiin 111-Maxbuus ey ciidamadda Isra’iil ey ka xireen Marinka Gaza wixii ka dambeeyey 7/10/2023-kii,sida lagu sheegay bayaan hore oo ey soo saartay Xamaas kuna sabasn xogta Maxaabiista reer Falastiin. Maxaabiista reer Isra’iil ee la sii daayey ayaa waxaa ka mid ah seddex nin oo kala ah”Ofer Calderon-54-jir ah,Keith Siegel oo 65-jir ah iyo Yarden Bibas oo 35-jir ah”,odayga 65-jirka ah ayaa haysta dhalashadda dalka Maraykanka waxa uuna Maraykanka ka degan yahay sida la sheegay Gobolka Waqooyiga Karolina. Heshiiska Xabad joojinta iyo Maxaabiis isdhaafsiga u dhexeeyo Xamaas iyo Isra’iil ayaa ilaa hadda waxaa lagu sii daayey 10-Maxbuus oo Isra’iil ah iyo 1,904-Maxbuus oo Falastiiniyiin ah,kuwaaso 100-Maxbuus oo kal mid ah ey ku xukunaayeen xukun Xabsi daa’in ah.

ISHA-AA.