SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

XAMAAS OO SII DEYSAY LIX MAXBUUS OO ISRA’IIL AH.

(SAWIRKA)-LIXDA MAXBUUS EY XAMAAS SII DEYSAY.

(GAZA)-Xamaas ayaa Sabtida maanta ah sii deysay shan qof oo la haysteyaal Israa’iiliyiin ah, waxaana lagu wadaa in islamaanta ey mid kale ka sii daayaan Gaza, iyagoo ku beddelanaya boqollaal Maxaabiis Falastiiniyiin ah. Eliya Cohen oo 27 jir ah, Omer Shem Tov oo 22 jir ah, iyo Omer Wenker oo 23 jir ah kuwaasi oo dhammaantood laga soo qabtay goobtii uu ka dhacayay bandhig faneedka Nova markii ey Xamaas weerartay koonfurta Israel 7-dii October ee 2023-kii, ayaa lagu wareejiyay Laanqayrta Cas si loogu sii gudbiyo ciidamada Israel. Tal Shoham oo 40 jir ah iyo Avera Mengistu oo 39 jir ah ayaa goor hore lagu sii daayay magaalada Rafah ee Koonfurta Gaza. La haystaha lixaad, Hisham Al-Sayed, oo 36 jir ah, ayaa la filayaa in laga sii daayo magaalada Gaza. Al-Sayid iyo Mengistu waxaa gacanta ku hayay Xamaas tan iyo markii ey iskood u soo galeen Gaza toban sano ka hor. Shoham ayaa laga afduubay Kibbutz Be'eri isaga iyo xaaskiisa iyo laba caruur ah oo uu dhalay, kuwaasi oo lagu sii daayay heshiis kooban oo dhacay bishii November ee 2023-kii. Lixda qof ayaa ah la haystayaashii ugu dambeeyay ee koox 33 qof ah oo lagu sii daayay wejiga ugu horeeya ee heshiiska xabbad joojinta ah ee dhaqan galay 19-kii Jannaayo. Ilaa 60 kale oo wax ka yar kala bar ey u badan tahay in ey nool yihiin ayaa wali ku harsan gacanta Xamaas. Taas beddelkeeda, Israa’iil ayaa lagu wadaa in ey xabsiyada Israa’iil ka sii deyso in ka badan 600 oo Falastiiniyiin ah. Sii daynta la haystayaasha ee Sabtida maanta ah ayaa daba socotay iyadoo gelinkii dambe ee Jimcihii la soo celiyey haraagii Shiri Bibaas. Meydkeeda ayaa la rabay in uu ka mid noqdo saddex kale, oo ey ku jiraan laba ka mid ah caruurteeda, oo ey Xamaas wareejisay Khamiistii. Balse militariga Israa’iil ayaa sheegay in meydka haweeneyda uusan ahayn keedii, taasi oo keentay digniin ka timid Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo sheegay in Xamaas “Ey bixin doonto qiime badan” haddii ey ku guuldareysato in ey sii deyso meydka Bibaas sida uu dhigayo heshiiska xabbad joojinta ee ey la gashay Israa’iil. Hadal muuqaal ah oo uu soo saaray Netanyahu ayuu ku yiri, “Waxaan ku dhaqaaqi doonnaa go'aan ku aadan in aan Shiri dib ugu soo celinno dalkeeda iyada iyo dhammaan la haystayaashayada - kuwa nool iyo kuwa dhintayba - iyo inaan xaqiijinno in Xamaas ey bixiso qiimaha buuxa ee xadgudubkan arxan darrada ah iyo jebinta heshiiska.” War qoraal ah oo ey soo saareen qoyska Bibas goor dambe oo Jimcihii ah ayaa lagu sheegay in baaritaan lagu xaqiijiyay haraaga Shiri Babas. "Xalay, Shiri-deennii guriga ayay ku soo laabatay,” ayay yiraahdeen qoysku. Xamaas ayaa sheegtay in meydka Bibaas ey u muuqato mid lagu qalday meydka qof kale oo laga soo saaray burburka hoostiisa ka dib markii ey Israa'iil duqeysay goobtii lagu hayay. Saraakiisha Israa’iil ayaa sheegay in caddeymaha baaritaanku ey muujinayaan in Shiri Bibaas iyo caruurteeda ey dileen mintidiin Falastiiniyiin ah. Israa'iil iyo Xamaas ayaa ku jira wajiga koowaad ee xabbad-joojin bilaabatay 19-kii Jannaayo, wadahadallada wejiga labaad ayaa la qorsheeyay in ey billaabaan toddobaadkan, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa'iil Gideon Saar.

ISHA-VOA/SOMALI.