XAMAAS OO SII DEYN DOONTO LIX MAXBUUS OO…
(SAWIRKA)-MAXAABIISTA REER FALASTIIN.
(ISTANBUL)-Garabka militariga Ururka Xamaas ee Guutada AL-Qasaam ayaa ku dhawaaqday Jimcaha maanta ah magacyada lix Maxbuus oo Israa’iili ah oo lagu wado in la sii daayo Sabtida berri ah,kuwaas oo qeyb ka ah dufcaddii toddobaad ee heshiiska is dhaafsiga Maxaabiista ee u dhexeeya Xamaas iyo Isra’iil. Bayaan uu soo saaray, afhayeenka Guutada AL-Qassam Abu Cubeyda wuxuu ku yiri: "Iyada oo qeyb ka ah heshiiska Isdhaafsiga Maxaabiista ee 'DUUFAANTA AL-Aqsa', Maxaabiista soo socota ee Isra’iil lana sii deyn doono maalinta berri ah oo Sabti ah ayaa kala ah “Eliya Cohen, Omer Shem-Tov, Omer Wenker, Tal Shoham, Avera Mengistu, iyo Hisham Al-Sayed." Wajiga koowaad ee heshiiska xabbad joojinta ayaa ka kooban saddex Marxaladood, midkiiba wuxuu soconayaa 42 maalmood, iyadoo loo baahan yahay wada xaajood ka hor inta aan loo gudbin wejiga xiga. Si kastaba ha ahaatee, Israa'iil ayaa dib u dhigtay wadahadalka wejiga labaad, kaasoo lagu waday inuu furmo 3-da Feberaayo. Wajiga koowaad, Israa’iil ayaa lagu wadaa inay qaabisho 33-Maxbuus oo isugu jira kuwa nool iyo kuwa dhintay. Ilaa hadda waxa ey soo saartay 19-Maxbuus oo nool iyo Afar Meyd ah. Sabtida, lix Maxbuus oo kale ayaa la sii dayn doonaa, waxaana ku xigi doona afar kale oo dheeraad ah toddobaadka soo socda, taasoo calaamad u ah gebogebada heerkan heshiiska. Taa baddalkeeda, Israa’iil waxay sii deysay 1,135-Maxbuus oo Falastiiniyiin ah, oo ey ku jiraan kuwo badan oo Xabsi daa’im ku xukunaay. 602-Maxbuus oo kale ayaa la filayaa in la sii daayo labada toddobaad ee soo socoto, taasoo ka dhigaysa tirada guud ee Falastiiniyiinta la sii daayay ee wejiga koowaad lagu sii daayay 1,737-Maxbuus. Heshiiska xabbad joojinta ayaa dhaqan galay 19-ka bishii hore, isagoo hakiyay dagaalkii xasuuqa ahaa ee Israa'iil, kaasoo ey ku dhinteen ugu yaraan 48,300 oo qof, oo u badan Haween iyo Carruur, isla markaana ka dhigay meel burbursan. Bishii Noofambar 2024, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkiisii hore ee Difaaca Yoav Gallant oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo dembiyo ka dhan ah bini'aadantinimada ee Marinka Gaza. Israa'iil ayaa sidoo kale wajahaysa kiis Xasuuq ah oo ka socda Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda oo ku saabsan dagaalka ey ku hayso dhulka reer Falastiin.
ISHA-AA.