XAMAAS OO ISKA DIIDAY XABAD JOOJIN.
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA DIFAACA ISRA’IIL.
(DOHA)-Xarakadda Xamaas ayaa iska diiday Hindise Xabad-Joojin ah kaaso sababi lahaay in la sii daayo tiro yar oo Isra’iiliyiin ah maxaabiisne u ah Xamaas iyo in la joojiyo colaada muddo dhan ilaa 30-maalmood, laakinse ma jirto wax bixitaan ah oo ey ciidamadda Isra’iil ka wadaan Marinka Gaza. Ilo ku dhaw dhaw Xarakada Xamaas ayaa Wargayska Middle East Eye u sheegay iney si rasmi ah u diideen soo jeedinta Qadar, Masar iyo Maraykanka,inkastoo ey warbaahinta Isra’iil ey sheegtay in weli la tixgeinaayo wada hadalada socdo. Xarakada Xamaas ayaa ku adkeysatay in heshiis kasta oo xabad joojin ah uu ugu dambeyntii horseedo in guud ahaan ciidamadda Isra’iil ey isga baxaan Marinka Gaza. Dalalka Masar iyo Qadar waxa ey dhexdhexaadiyayaal ka ahaayeen Isra’iil iyo Xamaas muddo bilo ah,bishii Nofembar ee sannadkii tegay ayaa waxaa dhacay heshiis maxaabiis isdhaafsi ah waxaa la sii daayey ilaa 100-Maxaabiis oo Isra’iil ah oo lagu bedelay ilaa 240-Maxbuus oo reer Falastiin ah.
ISHA-MEE.