SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

XAMAAS IYO ISRA’IIL OO GAARAY HESHIIS XABAD JOOJIN AH.

(SAWIRKA)-MARINKA GAZA.

(DOHA-QAT)-Wararka ka imaanayo caasimada dalka Qadar ee Dooxa ayaa sheegaayo in heshiis laga gaaray wada xaajoodkii u dhexeeyey Xamaas iyo iyo Isra’iil,wada xaajoodka ayaa lagu doonaayey in lagu sii daayo la haystayaal reer Isra’iil ah kuwaaso ku jira gacanta Xamaas ee gudaha Marinka Gaza,isla markaasne la sameeyo xabad joojin waarta,sida ey sheegeen saraakiil ka mid ah dhexdhexaadiyeyaasha Maraykanka,Masar iyo Qadar. Heshiiska la gaaray maanta oo Arbaca ah(15/1/25)-ka ayaa soo afjari doono dagaal socday in ka badan 15-bilood ahne dagaalkii ugu dhimashada badnaa intii ey socotay colaada u dhexeysa Falastiin iyo Isra’iil. Ilaa 98-qofood oo la haystayaal ah ayaa weli ku jira gacanta Xamaas kuwaaso ey ka mid yihiin 7-Maraykan ah,waxaane la rumaysan yahay in ku dhawaad kala bar la haystayaasha oo ey ku jiraan 3-Maraykan ah iney weli nool yihiin,sida laga soo xigtay sirdoonka Isra’iil. In ka badan 46,500-qof oo Falasiiniyiin ah ayey dileen ciidamadda Isra’iil tan iyo markii Xamaas ey weerartay Isra’iil 7/10/23-kii sida ey sheegtay Wasaaradda Caafimaad Marinka Gaza. Wejiga koowaad ee heshiiska ayaa ku baaqaya in la sii daayo 33-Maxbuus oo Isra’iil ah halka Kun Maxbuus oo reer Falastiin ah laga sii deyn doon Xabsiyadda Isra’iil. Reysal Wasaaraha dalka Qadar Maxamed Bin C/raxmaan AL-thani ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in heshiis la gaaray,wuxuuna sheegay inuu dhaqan gelaayo maalinta Axada ah ee inagu soo socoto kuna beegan 19/1/25-ka. Koox isku dhaf ah Maraykanka,Masar iyo Qadar oo ku sugan Qaahira ayaa kormeeri doona dhaqan gelinta heshiiska xabad joojinta,ayuu yiri RW-AL-Thani.

ISHA AXIOS.

HALKAN KA SI AKHRI.