SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

XAL MA LOO LA’AYAHAY DAGAALKA G/SHABEELADDA DHEXE?

(SAWIRKA)-SHEEKH SHARIIF SHEEKH AXMED.

(JAWHAR)-Muddo hadda laga joogo sagaal bilood ayey ahayd markii uu ka hadlay dagaal beeleedka ku soo noqnoqday Goblka Shabeeladda Dhexe Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Md.Xildhibaan Sheekh Shariif Sh.Axmed,waxa uuna sheegay Sheekh Shariif in dagaalka beelaha wada dhashay ka dhex dhaca uu yahay midka ugu foosha xun dagaaladda ka dhaca dalka Soomaaliya,hadaba dagaalkan ku soo noqnoqday degmooyin ka tirsan G/shbeeladda dhexe yaw u dhexeeyaa? Dagaalka ayaa intiisa badan waxa uu ka dhici jiray degaano hoos yimaado degmooyinka Cadale iyo Raage Ceele waxa uuna u dhexeyn jiray Beelaha kala ah Cabdalla Caroone oo Harti Abgaal ah iyo Celi Cumar oo Wacbuudhan Abgaal ah,dagaalka labadaan beelood waxaa laga gaaray xal kama dambeys ah mana dhici dagaal kale oo u dhexeeyo labadaan beelood. Sidoo kale isla degaanadaas iyo kuwa kale ayaa waxaa dagaal ey dad fara badan ku dhinteen uu ku dhexmaray Beelaha Agoonyar Gaabane iyo Cabdalla Caroone labdaan beelood ayaa ka wada tirsan Beel Weynta Harti Abgaal,isku dhaca labadaan beelood ee ka wada tirsan Harti Abgaal ma loo helin xal waara laguna soo afjaro dagaalka labada beelood,waxaane dhacday in Hogaanka dhaqanka Beesha Abgaal ey ku bexeen arrintaan soo xalinteeda balse lagu soo guul daraystay,qofkii ugu dambeeyey ee ka hadlayne uu ahaay EX-MW-Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uuna sheegay iney arrintaan wax ka qabato DFS waxa uuna arrinta gaarsiiyey MW-Xasan Sheekh Maxamud waxaane ciidamoo isku dhaf ah la geeyey degaanadda ey dagaaladu ku soo laalaabteen sida Degmooyinka Cadale iyo Raage waane nabad ilaa hadda degaanadaasi. Degaalkii dhacay shalay welina ka socdo goobihii lagu dagaalamay ayaa waxa uu ka dhacay degaanadda kala ah BUR SHIIKH IYO BIYA CADDE, degaanadaan ayaa ah kuwa aan horay loo gayn Ciidamo ka tirsan DFS mana jirin wax dagaal beleed ah oo horay uga dhacay dadne ey ku dhinteen,dhimahsada ilaa hadda inta la ogyahay waa sodon qofood oo labada dhinac ah eyna ku jiraan Dumar iyo caruur. Weli ma jirto cid sheegtay iney isu xilqaantay joojinta dhiiga daadanaayo,DFS dhinaceeda kama hadlin weli dagaalka beeledkaan balse waxaa la sugaa in War saxaafadeed buuxa uu ka soo bixi doono maamula H/shabeele waqtiyadda soo socdo. NALA SOCDA.

ISHA/SB-MEDIA.