SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

XAFIISKA UNSOM OO LAGA DHIGAY MID KU MEEL GAAR AH.

(SAWIRKA)-MADAXWEYNAHA GOLAHA AMAANKA EE QM.

(NEW YORK)-Wararka ka imaanayo Xarunta Qaramada Midoobe ee New York ee dalka Maraykanka ayaa sheegaayo in Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe uu maanta oo Talaada ah(30/10/24)-ka uu si aan Qarsoodi ahayn uu Ansixyey Qaraar lagu bedelaayo Hawlgalka Kaalmadda Qaramada ee Soomaaliya (UNSOM) oo lagu bedelaayo Hawlgalka Kaalmada Ku Meel Gaarka ah ee Qaramadda Midoobe(UNTMIS) iyadoo hanaanka kala guurka uu biilaabmaayo kowda bisha Noofembar(1/11/24)-ka,waxaane Qaraarkaan si wadajir ah ugu codeeyey dhammaan shan iyo Tobanka Xubnood ee Golaha Amaanka ee Qaramada. Ergada Maraykanka ayaa sheegtay in Qaraarkan uu u ogolaanayo Hogaanka UNSOM/UNTMIS iney ku shaqeeyaan Xafiisyadooda Wanaagsan, kuna dhiirigeliyaan Soomaaliya iney horumar ka sameeyso Dhammaystirka Dastuurka, U diyaargarawga Doorasho Xor iyo Xalaal ah oo heer Qaran ah iyo mid heer Degaan ah, Horumarinta dib u heshiisiinta Siyaasadeed ee Heer Qaran iyo Heer Degaan iyo Horumarinta Xuquuql Insaanka oo ey ka mid tahay ka qeybgalka haweenka ee Siyaasadda,Xoriyadda Hadalka iyo ilaalinta Suxufiyiinta.

ISHA-UN/NEWS.