XABSIYO QARSOODI AH OO LIIBIYA LAGA HELAY.
(LIIBIYA):Dalka liibiya waxa uu ka mid yahay dalalka eey ku sugan yihiin dadka raba ineey u tahriibaan qaaradda yurub ayagoo raacaayo doomo ka samaysan alwaax iyo bambiiro,dadkaas raba ineey galaan Yurub si eey halkaas uga helaan nolol dhaamto tan ka jirto dalalkooda asalka ah,hadaba waxa soo baxay warar sheegaayo ineey jiraan xabsiyo qarsoodi ah laguna haayo dadkaas muhaajiriinta ah marka eey ciidamadda ilaaladda xeebaha dalka liibiya eey ka soo dhex qabtaan badda,xabsiyadaas ayaa la sheegay ineey ahaan jireen qaarkood goobo lagu dayactiro baabuurta(Garaash) iyo maqaasiin lagu keydin jiray shamiindada,goobahaan ayaa laga furay dusha waxaane lagu wareejiyey silig koronto leh waan la dheereeyey derbiyadda dhammaan goobahan loo rogay xabsiyadda waxaa xabsiyadaan qarsoodi ah la sameyey janaayo sannadkaan-2021-ka.Xabsiyadaan qarsoon ee lagu haayo muhaajiriinta ayaa waxaa waardiyo ka ah dad hubaysan qoriga kalaashinkoofka waxa eeyna gaaf wareegaan dibadda dhismaha si eey u qabtaan qofkii baxsad ah,derbiga xabsiyadda ayaa waxaa ku qoran”AGAASINKA LA DAGAALANKA MUHAAJIRIINTA AAN SHARCIGA AHAYN” waxaane xabsigaan loo yaqaan Almabani.ISHA NEW YORKER.