SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

XABAALO WADAREED LAGA HELAY SURIYA.

(SAWIRKA)-MEYDAD LA SOO HELAY.

(DIMISHIQ)-Wararka ka imaanayo dalka Suriya ayaa sheegaayo in la soo helay goob aad u weyn oo gidaar ah kuna taalo meel u dhaw Buundada Baqdaada taaso caasimada Dimishiq u jirta 35-kiilimitir,waxaane goobta booqday Wariyeyaal ka tirsan Wakaaladda Wararka AFP, waxa eyna ku soo arkeen Qubuuro saf dheer ah oo fara badan kuna jira godad dhererkoodu dhan yahay ilaa hal mitir,kuwaaso intooda badan lagu daboolay Shamiindo. Dharw Qabri ayaa laga qaaday Saqafkii lagu daboolay,waxaane gudaha lagu arkay Bacyaal cad cad oo midba midka kale uu dul saaran yahay eyna ku qoran yihiin Magacyo iyo Lambaro,mid ka mid ah bacaha ayaa waxaa ku jiray Madax iyo Lafo bani’adan. “Waxaan u maleynayaa in tani ey tahay Xabaal Wadareed, Waxaan helnay Xabaal furan oo ey ku jiraan todobo boorso oo ey ka buuxaan Lafo”ayuu yiri C/raxmaan Mawas oo ka tirsan kooxda badbaadinta ee Koofiyaha Cad kaaso booqday goobta dhawr maalmood ka hor. C/raxmaan oo Telefoonka kula hadlay Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa sheegay in boorsooyinka la soo helay lix ka mid ah ey magacyo ku qornaayeen “lana geeyey meel Amaan ah”,isagoo intaas raaciyey in la bilaabay hanaanka lagama maarmaanka ah ee DNA-da. C/raxmaan ayaa sheegay in haddii Qubuuro dheeraad ah la soo bandhigo in taasi macnaheeda uu yahay in dad kale laga baari karo goobta,waxa uuna dadka u sheegay iney ka fogaadaan Qubuuraha oo ey u daayaan dadka ey khuseyso si hawshooda uga qabsadaan. Goobta laga helay Xabaal wadareedka ayaa u dhaw agagaarka Warshada Cadr’a ee Waqooyi-Bari ee caasimadda Dimishiq,waxa eyna Xabsiga Sednaaya u jirtaa wax ka yar 20-kiilomitir. Diyaab Seriyah oo ka socday Ururka Maxaabiista iyo dadka la la’ayahay ee Xabsiga Sednaaya ayaa sheegay in goobta markii ugu horeysay la aqoonsaday sannadkii 2019-kii,waxaane xogta laga helay xubin marqaati sirdoon ah oo dalka ka baxsaday,sawirada dayax-gacmeedka ayaa muujinaayo in goobta la isticmaalay marka laga soo bilaabo sannadkii 2014-kii,ayuu raaciyey Diyaab. “Malaha Qabrigaan waxaa ku jira Maxaabiis laakin sidoo kale taliskii hore ama dagaalyahano mucaarad ah oo lagu dilay dagaalka”ayuu Diyaab ugu sheegay Telefoonka Wakaaladda Wararka ee AFP. Dhismaha caanka ah ee Xabsiga Sednaaya oo ah goobta ey ka dheceen dilalka sharci darada ah,jirdilka waayista qasabka ah iyo iney tusaale u tahay silica iy saxariirta ey geysteen xoogagii mucaaradka ku ahaa taliskii Bashaar AL-asad. Diyaab Seriyah ayaa sheegay in “Bacaha lafuhu ey ku jiraan ey badan tahay in laga keenay Qubuuro kale”,isaga oo intaas ku daray “Wadad lagu ogaanayo cidda halkan lagu aasay ey dheeraan doonto”. Albaabada Xabsiyadda ayaa la furay ka dib markii isbahaysiga uu hogaaminayaan Islaamiyiinta ey xukunka ka tuureen Asad bishaan,in ka badan 13-sano oo caburin arxan darro ah lagu haayey dadka mudaaharaadaya ee diidan xukunka Asad,taaso keentay dagaal ey ku dhinteen in ka badan 500-kun oo qofood. Masiirka Tobanaan kun oo Maxaabiis ah iyo dad la la’ayahay ayaa weli ah mid ka mid ah raadadkii ugu xumaa ee laga dhaxlay colaada dalka Suriya. Maxamed Cali oo ka tirsan Golaha degaanka ee Cadra’a ayaa beeniyey in dadka degaanka ey ka war hayeen goobta dadka faraha badan lagu aasay kuna taalo meel u dhaw xarunta ey leeyihiin ciidamadda dalka Suriya. Maxamed Cali oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa yiri”Waa mamnuuc in loo dhawaado ama sawir laga qaado maadaama ey ahayd aag ciidan”.

ISHA-IFR.