SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

XAASKA MACRON MA NIN AYEY AHAY-1980-KII?

(SAWIRKA)-XAASKA MADAXWEYNAHA FARANSIISKA MACRON.

(PARIS)-Wararka laga helaayo dalka Faransiiska ayaa sheegaayo in Marwada koowaad ee dalka Faransiiska Brigitte oo miciin biday Waaxda Garsoorka si ey uga jawaabto Sumcad dil. “Waxay ahayd Nin Yaraanteedii”,waa hadalka xanuujiyey Xaaska Madaxweynaha Faransiiska. Sheegashada kuwa duur joogta ah ey sameeyeen laba shirkadood ee Faransiiska ah kuwaaso sameeyn ku leh Internet-ka ee ah in Brigitte iney dhab ahaantii dhalatay ayadoo wiil ah lana dhihi jiray Jean-Michel Trogneau oo isu bedelay haween sannadkii sideetameyadii(1980). Waxay u muuqataa in Xaaska Madaxweynaha Faransiiska Brigitte Macron oo hadda ah Marwada koowaad ee dalka Faransiiska ayaa ka dheregsan dadka dhiirigelianayo fikradaha shirqoolka ah,waxa eyna go’aansatay iney adeegsato Waaxda Garsoorka si ey uga hortagto kuwa ku xamanaayo iney Lab ku dhalatay. Maxkamadeynta Sumcad-dilista ayaa la qorsheeyey iney bilaabato bisa-Juun-24,iyadoo eedeysanaha garabka midig ey wajaheyso dacwad culus ayaa ah wariye madax banaan lana yiraahdo Natasha Re,waxa ey sheegtay in saraakiisha sarsare ee Madaxtooyadda Faransiiska ey qarinayaan aqoonsiga dhabta ah Brigitte. Sheekada la yaabka leh ayaa soo bilaabaty bishii Diseembar-2021-kii ka dib markii Rey oo 49-jir ah ey isku tilmaantay iney tahay madax banaan iyo Amandine Roy oo 53-jir ah isku sheegtay iney tahay Faaliye eyna ka sameysay muuqaal ey dhigtay Yoytube-ka,kaaso ey ku sheeganayaan in Brigitte ey ku dhalatay ilmo yar oo magaciisa la oran jiray Jean-Michel Trogneau 1953-kii. Aragtida shirqooka ayaa markii ugu horeysay ka soo muuqatay maqaal uu qoray Ray laguna daabacay Majaladda Midigta fog ee Faransiiska ee FAITS ET DOCUMENT ka dib markii Macron loo doortay Madaxweynaha dalka Faransiiska markii ugu horeysay sannadkii 2017-kii. Labada haween ayaa ku andacoonaayo in Brigitte Macron ninkeedii ugu horeeyey Andre-Loui Ozier,uusan jirin ee uu yahay qof la ikhtiraacay, inkastoo heshiiska guurkooda uu cadeynaayo inuu dhacay inta u dhexeysay 1974-tii ilaa 2006-dii,lamaanuhu waxa ey dhaleen laba caruur ah kalana ah Tevin oo 40-jir ah,Da’ada Laurence 47-jir iyo Sebastian,49-jir ah. Ozier waxa uu dhintay 2019-kii isagoo 68-jir ah. Xagaagii hore Garsoore Normandy ayaa Ray iyo Roy ku helay dembiga ah iney sumcad dil ku sameeyeen Brigitte iyo walaalkeed mid kasta waxa uu gudbiyey dacwad ka dhan ah labadaas dumar,rafcaan ka dib Roy waxaa lagu ganaaxay wax ka yar $1000,laakinse Ray waxaa lagu xukumay ganaax dhan $500.

ISHA/AL-ARABIYA.