SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA OO KU SHIRAYA TURKIGA.

(SAWIRKA)-SHIRKA U DHEXEEYO SOMALIA IYO ETHIOPIA.

(ANKARA)-Turkiga ayaa marti galiyay wareegii koowaad ee wada Xaajoodyada Farsamo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasoo qayb ka ah Geedi-socodka Ankara. Wadahadalladan ayaa waxaa fududeeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Hakan Fidan, waxaana ka qeyb galay wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Dr. Gedion Timothewos iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Cumar Maxamed. Intii lagu guda jiray wada xaajoodka, labada wafdi waxay dib u xaqiijiyeen ka go'naanshahooda mabaadi'da lagu qeexay Baaqa Ankara waxayna qaadeen tillaabooyin bilow ah oo ku aadan sidii ey aragtidooda wadaagga ah ugu beddeli lahaayeen waxqabadyo la taaban karo oo horumar waara oo labada dhinacba faa'iido u leh. Labada dhinac ayaa sidoo kale muujiyay sida ey uga mahadcelinayaan taageerada joogtada ah ee Turkiga ee fududeynta wadahadalka iyo diyaarinta gogosha wada-xaajoodka Farsamada ee soo socda, oo loo qorsheeyay Maarso 2025. Wadahadalladan ayaa daba socday Baaqii Ankara ee la Ansixiyay Dec. 11, 2024, ee ey hoggaaminayeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan. “Sida ku cad Baaqa Ankara ee Itoobiya iyo Soomaaliya, labada dhinac waxay go’aansadeen in la bilaabo wada-xaajoodyo farsamo oo uu fududeeyey Turkiga”. Dhammaadka bisha Febraayo 2025 laguna soo gabagabeeyo afar bilood gudahood. Waxa kale oo ey ku heshiiyeen in la iska dhaafo kala aragti duwanaanshiyaha iyo arrimaha la isku hayo oo si dhab ah loogu gudbo barwaaqo guud. Labada dal waxay caddeeyeen ixtiraamka Midnimada Dhuleed ee Soomaaliya iyadoo la aqoonsan yahay faa'iidooyinka suurtagalka ah ee ey Itoobiya ka heli karto gelitaanka badda ee sugan.

ISHA-DS.