SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

Markab imaaraat leeyahay oo la qabtay.

Markabka MV ROYAL DIAMOND7 kana soo shiraacday magaaladda Shaariqa ee dalkaas IMaaraatka Carabta kuna socday magaaladda BENGHAZI ee dalka Liibiya ayaa xubno ka tirsan ciidamadda ka hawlgala badaha caalamiga kana tirsan Yurub koreen markabka oo joogay meel 150-km u jirto waqooyiga magaaladda DERNA ee dalka Liibiya,waxaane sidaa sheegay ciidamadda Yurub. Asbuuc ayaa laga joogaa markii khubaro ka tirsan qaramada midoobay eey ku eedeeyeen isla markaasane u digeen qeybaha isku haayo dalka Liibiya,waxaane dalalkaas ka mida Imaaraatk carabta,Ruushka iyo Urdun oo dhinac ah,Turkiga iyo Qadar oo dhinaca kala ah,wadamadaan dhammaantood ayaa dalka Liibiya u diro Hub iyo calooshood u shaqeystayaal taasne waxa eey jebinaysaa cunaqabtayntii eey qaramadda midoobay saartay dalkaas liibiya,waxaase hadda la sugaa talaabadda xigta eey qaadi doonto qaramadda midoobay ka dib markii eey u cadaatay in dalka Imaaraatka yahay mid hubka iyo shidaalka gaarsiiyo dagaal oogaha hawlgabka ah Gen.Xaftar. Dhinaca kale,dagaalka dalka Liibiya ayaa ah dagaal leh wejiyo kala duwan oo aan sidaas u kala cadeeyn wejiga kaliyah ee caalamku fahansan yahay ayaa ah ka faa’iidaysiga shidaalka dalkaas Liibiya cidii soo saari lahayd dabadeedna dhoofsan lahayd,dalalka Turkiga,Qadar iyo Ruushka waa kuwa iska war qaba hal meelna wax isula wada hadafkoodana yahay mid mideeysan halka Imaaraatka,Masar,Urdun iyo Faransiiska yihiin kuwa gadaal ka riixaayo Gen.Xaftar oo uu caalamku u arko nin galay dembiyo dagaal inta uu socday dagaalka dalka Liibiya,waxaane dhacday in dalka Imaaraatka isku dayey inuu adeegsado wariyeyaal u dhahshay dalka Turkiga kana hawlgala dalka Liibiya si eey ugu soo gudbiyaan wararka la xiriiro tirada iyo tayadda ciidamadda dalkaas Turkiga ee ku sugan gudaha dalka liibiya waxaane taas ka dhashay in sirdoonka dalkaas turkiga soo qabteen shanka mida wariyeyaashaas u dhashay Turkiga una adeegaayey Imaaraatka waxaane lagu maxkamadeeyey magaaladda Istambuul asbuucii ina soo dhaafay waxaane dhacday in wariyeyaal kale oo ayagana Turki ah lagu waayey wax dembi iyo ineey u adeegaayeen dalkaasi Imaaraatka.

Dalka Imaaraatka ayaa ah mid si ba’an weerar ugu ah dalkaasi Turkiga waxa uuna ku weeraraa meel kasta uu ku jiro dalkaas turkiga,tusaale ahaan dalka Turkiga waxa uu dalka soomaaliya ka wadaa mashaariic horumarineed eey ka mid yihiin jidad uu dhisaayo waxaane jidadkaas ka mida jidka isku xiro magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye,si shaqaalihii Turkiga ee ka hawlgelaayey dhisida jidkaas eey dhaqaalihiisa bixisay Qadar ayaa waxaa la weeraray dhawr mar weerarkii ugu dambeeyey ee lagu qaaday shaqaalaha Turkiga ayaa waxa uu ka dhacay Ex-koontaroolka Afgooye(31/12/2019)-kii waxaane halkaas ku dhintay Injineero Turki ah waxaane ku dhaawcmay kuwa kale,waxaane dhacadaas ka dhashay in Turkiga shaqaalihiisa kala baxo dhisida jidka isku xiro Muqdisho iyo Afgooye waxaane hadda dhisidda jidkaas wada shirkad soomaali ah oo dhammaystireyso inta hartay.