SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SIYAASI REER IRAAN AH OO LAGU XUKUMAY….

Siyaasi reer Iraan ah ayaa lagu tuhmay inuu hogaaminaayey wakiilne u ahaay dal guul dareeystay inuu qaado weerar loo adeegsado Bambo gudaha qaaradda Yurub,Siyaasigaas ayaa gudaha dalka Biljam lagula xukumay labaatan sano.

Assadollah Assadi oo 48-jir ah ayaa waxaa lagu maxkamadeeyey magaladda Antwerp ee dalka Biljam todobaadkii la soo dhaafay,Assadi ayaa arrintaan waxaa ku wehliyo seddex kale oo Iraaniyiin ah kuna eedeysan ineey qeyb ka haayeen shirqool la rabay in looga takhaluso koox mucaarad ku ah dalka Iraan kuna sugan dalka Faransiiska sannadkii 2018-kii.

Dax=cwadda ayaa bilaabatay Jimcihii waane markii ugu horeeysay eey dalalka Yurub ku eedeeyaan masuuliyiin reer Iraan ah ineey qeyb ka yihiin argagixisadda,Assadi oo ah siyaasi ayaa ku eedeysan inuu dalka Biljam soo geliyey nus-kiilo waxyaabaha qarxa ah wax uuna ku keenay duulimaad ganacsi uu jidkiisu ahaay Iraan - Vienna bishii juun-2018-kii,sidaas waxaa qoray wargayska caanka ah ee ka soo baxa dalka Maraykanka ee NEW YORK TIMES. XIGASHO MEMO

HALKAAN KA AKHRISO