SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WIIL SOOMAALIYEED OO MINDI LAGU DILAY DALKA INGIRIISKA.

(BRENTFORD):Cali Abuukar Cali waa wiil Soomaali ah da’adiisuna tahay labaatan(20)-jir,Cali ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray nin mindi ku soo weerary qof dumar ah oo da’adeeda lagu sheegay ineey tahay sideetan(80)-jir lana yiraahdo Walsh,Cali ayaa waxa uu isku dayey inuu ka difaaco qofka dumarka ah weerarka uu ku soo qaaday ninka wata mindida waxaane dhacday in Cali lala dhaco mindidii dhawr mar uuna u dhinto dhaawicii soo gaaray,waxaane sidoo kale dhaawac soo gaaray haweenidii da’ada ahayd uu weerarka ku wajahnaay taaso hadda laga dayrinaayo xaaladeeda caafimaad welina waxa eey ku jirta oo lagu daaweynaa isbitaalka.Dadka yaqaano Cali ayaa sheegay in Cali ahaay shaqsi wanaagsan lana jeclaay waxa uuna kubadda kolayga bari jiray caruurta yaryar,dadka degan halka uu Cali ku geeriyooday ayaa bilaabay ineey Cali u ururiyaan lacag lagu taageeraayo ehelkiisa waxaane la soo sheegay in la ururiyey ilaa hadda lacag dhan todobaatan kun oo geni istarliinka ah.Haweeneyda uu Cali ka difaacay weerarkii lagu khaarijinlahaay isagase uu ku tegay ayaa dhashay caruur dhan lix waxane horay loogu sameeyey qaliin dhinaca kilidda ah.ISAHA EVENING STANDARD.

HALKAAN KA SII AKHRISO.