WEERARKII NEW ORLEANS OO NOQDAY MID ARG..
(SAWIRKA)-SHAMS-AL-DIN JABBAAR.
(NEW ORLEANS)-Hayadda Sirdoonka Maraykanka ee FBI ayaa ku dhawaaqday in weerarkii New Orleans uu ahaa mid Argagixiso, ula kac ah, iyo shar ahaa,iyadoo xustay in baaritaanku uusan ku koobneyn Gobolka Luwisiyaan ey ka tirsan tahay magaaladda New Orleans. Xafiiska FBI-da ayaa sheegay iney u badan tahay in kaligiis uu ku yahay shaqsiga geystay weerarka New Orleans,waxa eyna xuseen baarayaasha iney baareen kaamerada ilaalada ah eyna soo heleen 400-Macluumaad ah oo ku saabsan weerarka. Dhinaca kale Gudoomiyaha Gobolka Luwisiyaana ayaa shaaca ka qaaday in kun sarkaal oo sharci fulinta ah ey baarayaan weerarka New Orleans. Gudoomiyaha ayaa intaas raaciyey in kumanaan dukumintiyo ah iyo muuqaalo la xiriir weerarka la baaray,isagoo carabka ku adkeeyey in amaanka New Orleans la xoojiyey ka hor inta aanu bilaaban Horyaalka Jaamicadaha,waxa uuna Gudoomiyaha sharaxay in dhammaan Hayadaha Gobolka Luwisiyaana ey gacan ka geysanayaan xoojinta aminga New Orleans. Waxaa xusid mudan in Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden uu shalay maqribkii shir jaraa’id uu qabtay uu ku shaaciyey in 42-jirka weerarka geystay ee heysta dhalshada dalka Maraykanka uu saacado ka hor intuusan qaadin weerarka uu soo dhigay baraha bulshada isagoo ku dhiirigeliyey Daacish oo hawl galkiisa ka dambeysay. Fuliyihii weerarkii New Orleans Shams-AL-Diin Jabbaar waxa uu kexeystay gaarigii uu ku soo kiraystay Online-ka isagoo adeegsanaayo codsiga la yiraahdo TURO,waxa uuna gaarigii ul adhaqaaqay goob ey ku sugan yihiin dad fara badan oo ku caweynaayey wadada Bourbon Street ee xaafadda caanka ah ee Faransiis New Orleans,saacadihii ugu horeeyey ee sannadka cusub-2025-ka halkaas oo uu ku dilay ilaa 15-qofood kuna dhaawacay 35-qofood oo kale. Halka Wasaaradda Gaashaandhiga Maraykanka ee Pentagon ey shaaca ka qaaday in Jabbaar uu soo noqday Ciidan isagoo ahaay khabiir ku takhasusay kheyraadka aadanaha iyo teknoolojiyadda macluumaadka intii u dhexeysay 2007-dii ilaa 2015-kii iyo ciidamadda keydka ilaa 2020-kii. Ka dib Jabbaar waxa uu ka soo shaqeeyey dalka Afgaanistaan laga bilaabo Feberaayo-2009-kii ilaa Janaayo-2010-kii sida uu sheegay afhayeenka u hadlay Mileteriga Maraykanka,isagoo intaas ku daray in Jabbaar qaatay darajadda Sergentaha koowaad dhammaadkii shaqadiisa Ciidamadda. Haydda FBI-da ayaa horay u sheegtay iney rumaysan tahay in Jabbaar si sharaf leh shaqada looga eryey.
ISHA-AA.