SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WEERARKII HOTEL HAYAT EE MUQDISHO.

AUN-WAA TODOBO KA MIDA DADKII KU DHINTAY HOTEL HAYAT XALAY.

(MUQDISHO)-Xalay fiidkii saacada Muqdisho markeey ahayd 7:00-PM fiidnimo ayaa waxaa weerar culus lagu qaaday HOTEL HAYAT kuna yaalo agagaarka KM-4 ee magaaladda Muqdisho,weerarka ayaa waxaa sheegtay ineey qaadeen Alshabaab waxa eey kooxdii qaaday weerarka gashay gudaha Hotel-ka oo la sheegaayo inee ilaa hadda ka dhex dagaalamaayaan,lama yaqaano tirada Alshaabka ah ee gashay gudaha Hotel-ka balse hayadaha Amniga ayaa ku sheegay ilaa seddex dagaalyahan. Hotel Hayat ayaa ka mida Hotel-da eey degaan dadka ka yimaado dibadda dalka iyo dadka ka yimaado goboladda dalka,waxaane la sheegaa in waqtiga uu weerarka dhacaayey in halkaasi eey ku shiraayeen odayaal dhaqameed soomaaliyeed oo u fadhiyey xal u helida khilaaf jiray,inta la sheegay ineey weerarka ku dhinteen ayaa ilaa hadda cadeeyey ineey dhan yihiin 10-qofood inta dhaawaca ah ee la geeyey Isbitaalka Madina ayaa gaaraayo ilaa 40-qofood kuwaaso intooda badan la jiifiyey isbitaalka sabab la xiriirto dhaawacyadii soo gaaray oo culus,ma jirto ilaa maanta oo Sabti ah cid ka socoto hayadaha Amniga DFS oo la hadashay Warbaahinta dalka lamana yaqaano tirada dhabta ah ee dhimatay iyo tan dhaawacantay. In dad gahshan Jaakadaha Qaraxa soo maraan Checkpoint waa mid u baahan in dib loo baaro.

ISHA WARKA SUUQBACAAD MEDIA(SOMALIA)

HALKAAN KA DHEGAYSO WARBIXINTA.