SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WEERARKII BUULO-MAREER EE ALSHABAAB.

DAGAALYAHANADA ALSHABAAB.

(KAMPALA)-Warbaahinta ka hawlgasha wadamadda Geeska Afrika gaar ahaan dalalka ey ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya ayaa waxa ey ka hadlayaan weerarkii gaadmada ahaay ey kooxda Alashabaab ku qaaday saldhiga ciidamada Ugaandha ku leeyihiin magaaladd Buul-Mareer ee gobolka Shabeelada Hoose aroornimadii Jimcaha(26/5/23)-ka,waxaane Wargaysyadaasi ka mida kuwa ka soo baxa dalalka Kenya iyo Uganda. Mid ka mida Wargaysyadaas ayaa yiri ma jiro eray rasmi ah oo ku saabsan dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray ciidamada Uagnadha 72-saac ka dib markii uu dhacay weerarka,sida uu sheegay amaba laga soo xigta ilo amni oo sare ayaa si aan qeexnayn u sheegay in khasaaraha soo gaaray ciidamadda Ugandha ka “yar yahay boqol”. Waa ey ka badan 72-saacadood marka ey kooxda Alshabaab weerartay cagtana marisay saldhiga ciidamadda Ugandha ee istaraatiijiga ah ee magaalada Buulo-Mareer gudaha dalka Soomaaliya irida hore ee magaalo xeebeedka Baraawe,laakinse waxaa jiro su’aalo badan kuwaaso aan weli loo helin wax jawaabo ah.

ISHA WARKA DAILY MONITOT-UGANDA.

HALKAAN KA SII AKHRISO.