SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WEERAR MINDI LOO ADEEGSADAY OO KA DHACAY PARIS.

(SAWIRKA)-ASKAR DHEX TAAGAN PARIS.

(PARIS)-Wararka ka imaanaayo caasimadda dalka Faransiiska ee Paris ayaa sheegaayo in dhiig ku daatay buundo dulmarta Wabiga Seine ayaa ah calaamada kaliyah ee ka hartay Axadii 12-saacadood ka hor weerar Mindi loo adeegsaday oo lagu qaaday dalxiise u dhashay dalka Jarmalka,weerarkaan ayaa lagu eedeyey inuu fuliyey nin dhallinyara ah loona malaynaayo inuu yahay Xagjir horayne xabsi u soo galay. Weerarkii kediska ahaay ee ka dhacay agagaarka daarta Eiffel hebeenimadii sabtida ayaa walaac gaar ah ku abuurtay caasimadda Faransiiska ee Paris wax ka yar hal sano ka hor inta eysan martigelinin cayaaraha Olombikada ayadoo xafladda furitaanka lagu wado iney ka dhacdo Wabiga Jiinkiisa si qurux badan aan horay loo arag oo ka dhacda bartamaha magaaladda Paris. Ayadoo uu jiro welwelkaasi la xiriira Argagixisada ayaa RW-Elisabeth Borne ku dhawaaqday kulan deg deg ah fiidnimada Axada ayadoo la fariisan doonto Golaheeda Wasiiradda gaar ahaan Wasiiradda Muhiimka ah iyo Masuuliyiinta loo xil saaray Amniga dib u eegistiisa guud inta talaabooyinka meehsa yaalo iyo wax ka qabashada “Shaqsiyaadka ugu khatarta badan”sidaas waxaa laga soo xigtay xafiiska reysal Wsaaraha Faransiiska.

ISHA/AP.

HALKAN KA SI AKHRISO.