WEERAR MINDI LOO ADEEGSADAY OO KA DHACAY JARMALKA.
(GERMANY):Weerar loo adeegsaday Mindi ayaa maanta oo ah Sabti(6/11/2021)-ka waxa uu ka dhacay dalka Jarmalka gaar ahaan gobolka Bavaria,weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay seddex qofood waxaane ku dhaawacmay qaar kale oo aan la sheegin tiradooda,weerarka ayaa ahaay mid uu qaaday dembiile waane la qabtay qofkii geystay in kastoo aan la sheegin magaciisa iyo jinsiyadiisa midkood.
Afhayeenka ururka laanqeerta cas ee gobolka uu ka dhacay weerarka loo adeegsaday Mindida ee Bavaria ayaa sheegay in goobta wax ka dheceen eey gaareen shaqaale ka tirsan ururka laanqeerta cas oo gaaraayo boqol iyo toban(110)-qofood,waxa eeyna shegeen in seddex dhimatay kuwa kalane dhaawacmeen,laba boqol ilaa seddex boqol kalane laga soo dejiyey tareen dushiisa waxane la geyey goobo kale oo ku dhaw halka eey wax ka dhceen si loo hubiyo caafimaadkooda.
Wasiirka arrimaha gudaha dalka Jarmalka Horst Seehofer ayaa sheegay aasaaska ka dambeeyo weeradaan aadka u daran ma cadda.Dadka ku nool Seubersdorf,dawladda hoose ee koonfurta Berlin ma wajahaan ‘Khatar gaamurtay’.ISHAGUARDIAN.